Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saneeti on July 18, 2016, 11:59:10 AM

Title: Su'aal Gaas and MDR?
Post by: Saneeti on July 18, 2016, 11:59:10 AM
asc dr magaceega waa mohamed waxaaan jogaa mogadishu waxaaan dawaday video ka hadlaayey gaaska dr aniga waxaan qataaa dawada MDR TB waxeeyna soconeeysaa mudo dheeer waxeeyna kicisaaa gaaas  mar walbo dawada gaas ah miyaaan qadan karaaa  hada subax walbo aroortii ayaaan laqaaaa dawada gaaaska kadib ayaan qataaa midkale wax dhibaato ah miyey ii keeyneeysaaa dawadaas gaas ah oo aan mar walbo qadanaayo jawab wacan  Dr mahadsanid
Title: Re: Su'aal Gaas and MDR?
Post by: SomaliDoc on September 04, 2016, 08:04:35 PM
Daawada gaaska waad qaadan kartaa, maalmaha aad isleedahay waad fiican tahayne waad ka boodi kartaa, haddii aad daawada la qabsatid oo gaaska kaa yaraadane waad joojin kartaa, waa muhiim in aad joogteysid daawada TB-da khaasatan haddii ay MDR tahay.