Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Walaalka on October 30, 2011, 01:59:31 PM

Title: Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?
Post by: Walaalka on October 30, 2011, 01:59:31 PM
Asc wr wb, walalaha dhaqaatirta wan idinku mahadcelinayaa sida hagar la,aanta ah ee aad bulshada somaliyeed ugu haqabtireysaan dhanka talooyinka wax ku ool ka ah, kadib mudo 3 months ayan waxan isku arkay inuu iga soo baxo nabar kasoobax ah kadib dhaqtar ayan utagay wuxu dhahay waa boil marka  daawo ayu i siiyey waana ku fiicnaaday, mudo 2 bil kadib hadane mid kale ayaa iga soo baxay gacanta  mudo 2 week laga joogo ayan ka reystay marka hadane daraad(yesterday before) ayuu midkale qoorta iiga soo baxay marka walaalaha dhaqaatiirta ah pls help me waan iska yaabanahay tankale from inta aan wax kala garan karay never igama soobixin pls waxan idinka codsanlahaa  inaad talo isiisaan haday posible tahay? Tankale cudurkaan ma wax ale qofka ku imtixaanayaa mise  waa  cudur maxa sababa, tankale kareemada jirka iyo wixi lamid ah miyaa sababa? Plz
Title: Re: Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 12:06:51 AM
Kasoobaxa waxaa keento bakteeriyo loo yaqaanno "Staphylococcus Aureus", waana bakteeriyo maqaarka ku nool oo haddi dhaawac yar ay ka hesho maqaarka ay geliso malax.

haddii aad ka cabanayso kasoobax soo laalaabtay waxaa kuu keeni karo dhowr waxyaalood oo ay ka mid yihiin:
1- In difaaca jirkaaga uu daciif yahay oo ay bakteeriyadaan kaa faaidaysatay.
2- In aad tahay qof aad u cayilan ama qof aad u caato ah.

Talo ahaan si bakteeriyadaan ay kaaga fogaato, qaado tallaabooyinkaan:
1- Cun cunno isku dheellitiran.
2- Si joogto ah u jimisco.
3- Si joogto ah u qabayso maalin kasta.
4- Hadduu kasoobaxa uu dillaaco ka ilaali in farahaaga aad ku gaarsiisid meelo cusub si uusan nabar kale uga soo bixin
5- Nadaafadda gacmahaag ilaali.

Adigoo tallaabooyinkaas qaaday haddi kasoobaxa uu weli joogto kugu yahay la xiriir takhtar si loo baaro difaaca jirkaaga.