Inkastoo cudurkaan la ogaadey markii ugu horeesey sanadkii 1943, dhakaakuhu waa naafo aan aad loo aqoon.
Dadka dhakakaha qabaa jir ahaan naafo ma'aha, sida qof maskaxda ka dhaawac ah o kale; ma codsadaan kursi lagu riixo, waxaaney u muuqdaan si qof caadi ah oo naafo lahayn. Qarsoonaantaa awgeed, way adkaan kartaa inaad abuurto ogaansho iyo fahmo astaantan.
Sababtoo ah ilmaha dhakaakaha qabaa wuxuu u egyahay "caadi" dadka qaar waxay moodaan rabshoole ama in aan waalidku rabaynin ilmaha. Dadka aan aqoonini waxay dhahaan waa "saaqidnimo".
Waa maxay dhakaakuhu (autism) Dhakaakuhu waa naafo muddo dheer la korta qofka oo saamaysa sida qofku ula hadlo iyo ula macaamilo dadka ku xeeran. Caruurta iyo dadka waaweyn ee qaba dhakaakaha waxay ku dhibanyihiin la xiriirka dadka kale si wax ku ool ah. Awoodooda inay asxaab samaystaan way koobantahay sida ay u koobantahay fahankooda dareenka dadka kale.
Dadka qaba dhakaakaha waxay had iyo jeer haystaan naafo waxbarshada ah, laakiin qof kasta oo xanuunkan qabaa waxa dhibaato ku ah sidii uu aduunka u fahmi lahaa.
Waxaa kale oo jira iin la dhaho "Asperger syndrome" kaas oo ah nooc dhakaake ah oo loo isticmaalo dadka aad ugu badanyahay dhakaakuhu. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan cudurkan "Asperger syndrome" waan ka hadli doonnaa.
Dhabtu waxay ula muuqataa qofka dhakaakaha qaba mid qasan, iyo dhacdooyin isku dhafan, dad, meelo, codad, iyo aragtiin. Waxaad moodaa inaad jid caddi jirin, hab ama macno waxba.
Waamaxay astaamaha dhakaakuhu (qofka maskaxda ka nuqsaanka ah)? Dadka dhakaakaha had iyo jeer waxay la kulmaan sadex dhibaato; kuwan waxa loo yaqaan dejiyaasha dhakaakaha.
- Xiriirka bulsho (dhibaatada xiriirka bulsho, tusaale in aad dadka ula muuqato mid fog oo aan dadka ka soocan (aan lala saaxiibi karin)).
- La hadalka bulsho (dhibaato xaga hadalka afka iyo kaan afka ahaynba, sida fahan la'aanta hadalka, dhaqdhaqaaqa wejiga iyo codka laxankiisa).
- Qiyaasida (dhibaatada korida, ciyaarista iyo qiyaasida, sida haysashada firfircooni kooban, oo uu qof ka soo eegtay kuna celcelinayo si joogta ah).
Maxaa keena autism - ka? Sababaha dhabta ah ma muuqdaan, laakiin baaristu waxay muujisey in saameeyaal la dhaxlo ay muhiim yihiin. Waxa kale oo caddaan ah baarista in astaamooyin keeni karaan la xiriirida maskaxda koritaanka maskaxda, kuwaas oo dhaca ka hor, kadib ama xiliga dhalashada.
Soomaalida ku nool Minnesotta ayaa waxaa lagu arkay caruur badan inay xanuunkaan qabaan taasoo keentay walaac aad siyaado u ah, in tiro intaa la eg ay xanuunkaan haleelo taasoo in muddo ah dood ka taagneed sida in ay ka qaadeen tallaal laga qaato wadanka maraykanka ee loo yaqaanno "MMR",
Fadlan halkaan ka akhriso dood aan kaga hadalnay arintaan sanadkii 2011Daaweenta Hadii daaweenta hore loo soo dhigo, waxa fiicnaanaya fursadaha qofku uu u helayo gargaar iyo taageero haboon.
Fadlan la xiriir takhtar aqoon u leh xanuunkaan si aad uga wada hadashdaan qaababka loo fududeyn karo dhibaatadaan iyo in aad isla fahantaan heerka uu cunugaagu gaarsiisan yahay dhakaakihiisa.
Aqoon khaas ah iyo taageero habaysan ayaa wax ka bedeli kara qofka haysta nolol dhakaaknimo ku jirto, taageeris in farsamada la buuxsho ayaa keeni karta in lagu guulaysto da'da dhalin yaranimo.
Wixii su'aalo ah ee ku saabsan qoraalkan halkaan ku weydii
Xanuunka Dhakaakaha iyo Soomaalida Minnesotta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3251.0.html
http://somalidoc.com