Somali Medical Forums

Finance & Aid => Medical Jobs & Trainings => Topic started by: Drkheyre on October 19, 2011, 03:58:09 PM

Title: (JAGO BANAAN) - KALKAALIYE CAAFIMAAD - MSF Spain/Somalia
Post by: Drkheyre on October 19, 2011, 03:58:09 PM
JAGO BANAAN

DHAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN EE SPAIN WAXAY RAADINAYSAA
         KALKAALIYE CAAFIMAAD  OO BADAN

DADKAAS OO KA SHAQAYN DOONA MOGADISHU SOMALIA.
 

Waajibaadka Kalkaaliyaha waxaa ka mid noqon doona kumase eka intaan:
1   In uu qabto shaqada kalkaalinta ee Cusbtaalka Dhalmada.
2   Wuxuu masuul ka noqon doonaa in loo daweeyo, loogana warhayo bukaanka si waafaqsan qoraalka dhakhtarka.
3   Waxaa looga baahnaan doonaa in uu yaqaan, tixgeliyana brotokollada Caafimaad ee MSF.
4   Waxaa looga baahnaan doonaa in uu tixgeliyo heerarka caalamiga ah ee nadaafada.
5   Waxaa looga baahnaan doonaa in uu hubiyo in hooyooyinku helaan waacyo-gelin caafimaad.


Shuruudaha jagada:
1   Shahaado aqooneed dhalmo iyo kalkaaliyenimo waa lagama maarmaan
2   Tababar shaqo ee ugu yaraan 1 sano kaas oo MSF bixisay.
3   Aqoon Luuqada Englishka ah waa muhiim laakiin shardi ma aha.
4   Waa in uu yahay qof dadabacsan, firfircoon, si toosana u hadla.
5   Organized and accurate in performing duties
6   Waa in uu awood u leeyahay in uu la shaqeeyo dad waxyaalo kala duwan bartay, dhaqama kala duwana leh.
7   Waa in uu awood u leeyahay in uu in badan dhagaysto.
8   Waa in uu awood u leeyahay in uu xafido xogta caafimaadka ee qarsoodiga ah.
9   Qaabka MSF u shaqayso awgeed, dadabacsaanan lagama maarmi karo.

Haddii aad is leedahay waad leedahay shardiyada kor ku xusan, fadlan u soo dir CV¬gaaga, waaraaqda dhiirigelinta, photo¬kopi shahaadooyinkaaga ah iyo waraaqaha kula tallinta MSF Spain Somalia Xafiiska Nairobi: msferecruitment@gmail.com ,ref:1138. Waa khasab in aad ku soo dartid 2 shaqaaleeye oo lala xiriiri karo.
Codsiga waa in la soo gudbiyaa ka hor ama 2da Nov 2011. Dadka la xusho waxay u diyaar garoobayaan imtixaan iyo waraysi waxyar ka dib waqtigaas. Dadka la xusho keliya ayaa lala soo xiriirayaa.
MSF-E is an equal opportunity employer.