Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on October 04, 2007, 08:05:09 PM

Title: Daryeelka Gubashada (Burn Care)
Post by: SomaliDoc on October 04, 2007, 08:05:09 PM
Ogow sida loo daryeelo gubashadaada si aad uga hortagtid malaxaysi.
Xaqiiji in aad:
• Meesha gubatay kor uga qaaddid heerka wadnahaaga.
• Faashadaha nadiifi oo ha engegnaadaan.
• Faashadaha beddel maalin kasta.

Tallaabooyinkaan raac:
1. Si fiican gacmaha isaga dhaq saabbuun iyo biyo ka hor inta aadan taabannin meesha gubatay ama faashadaha.
2. Faashadihii hore ka saar meesha. Haddii faashadihii hore ay ku dhegeen meesha gubatay, biyo diirran ku qoy.
3. Dheehii ama boommatadii hore isaga nadiifi maro biyo diirran lagu qooyey iyo saabbuun fudud ama shaambada carruurta. Isku day in aadan jebin qolofta.
4. Gacmaha mar kale iska dhaq.
5. Dheeh ama boommaato u mari sida uu takhtarku ku faray:
Isticmaal boommaato kugu filan si aad meesha gubatay uga dhigtid mid u eg sidii wax dhalaalaya.
6. Raac jiheynta takhtarkaaga:

SomaliDoc
Title: Daryeelka Gubashada - 2
Post by: SomaliDoc on October 07, 2007, 01:17:19 AM
Gubashooyinka gacmaha ama cagaha, mar kasta saar sharooto inta u dhexeysa faraha ama suulasha.
• Si tartiib ah meesha ugu jimci afar mar maalintiiba adigoo soo laabaya kala goysyada 10-20 goor. Jimcin tartiib ah waxay ka aawinaysaa ka hortagga in meesha taaganto.
• Cab cabitaanno fara badan, ugu yaraan 10-12 koob maalintiiba.
• Cun borotiin dheeraad ah oo laga helo hilibka, ukunta, kalluunka, digaagga iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo. Cun cuntooyin ay ku
badan yihiin Fitamiin C sida furutooyinka, gaar ahaan furutada liinta, iyo khudrad. Nafaqo wanaagsan waxay kaa caawin doontaa in gubashadu ay bogsato.

Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii aad:
• Isku aragto guduudasho ama barar dhaawaca dhinacyadiisa ah
• Xarriiqyo guduudan oo gacantaada ama lugta kor ugu saaqaya
• Malax dhaawaca ka soo burqanaysa
• Qandho ka sarraysa 101° F ama 38° C
• Xanuun sii kordhaya ama xanuun aysan daawadu kaa baabi’in karin
• Ur xun oo aad ogaato marka dhaawaca la nadiifiyo ka dib oo dhayiddii horena laga tuuray

Haddii aadan takhtarkaaga gaari karaynin, aad Qolka Gargaarka Deg-degga.

Mahadsanidiin
SomaliDoc