Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on April 23, 2015, 02:14:53 PM

Title: Sidee u Wanaajiyaa Caafimaadka Kilyahayga?
Post by: SomaliDoc on April 23, 2015, 02:14:53 PM
(http://somalidoc.com/Topics/kilyaha.png)

Kilyaha waa xubno muhiim ah jirka, qofka bini-aadanka la aantood ma helo karo caafimaad buuxa.

Kilyaha waxay jirka u taraan waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin laakiin waxaa ugu muhiimsan kuwaan:

Qof kasta wuxuu ilaahay ku abuuray laba kilyood inkastoo ay dhacdo in dadka qaar ay hal killi ku dhalan karaan, waxayna ku jiraan qeybta feeraha ka hooseyso ee dhinaca dhabarka xigta, meelo kalane way ku jiri kartaa taas oo aan ahayn mid dabiici ah.

haddii labada kilyood mid fadhiisato ama howlgabto, hal mid qofka wuu ku noolaan karaa wayna qaban kartaa howsha midda kale, markuu qofka kilyahiisa ay howl-gabaan macnaheeda waxay tahay labada kilyood ma shaqaynayaan wuxuuna u baahnaanayaa in kilyaha badalkooda mashiin in lagu xiro jirka ka soo saaro qashinka iyo sunta, wuxuuna qofka u baahnaanayaa in kilyahiisa si joogto ah loo dhaqo ama in kilyaha laga badalo.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Howlgabka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1750.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1750.0.html)
Halkaane ka akhriso qoraaal ku saabsan kaadi-saarista ama kilyo-dhaqista: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html)

Sidaa awgeed ahmiyadda ay kilyaha jirka biniaadanka u leeyihiin iyo halista haddii ay howlgabaan, waxaa muhiim ah in qofka uu ku dadaalo sidii ay kilyahiisa caafimaad buuxa u heli lahaayeen inta uu noolyahay iskane ilaaliyo waxyaabaha halista ah oo dhaawici kara kilyaha.

Shantaa talo haddii aad qaadatid waxaad ka badbaadi doontaa ilaahay idinkiisa sababaha ugu waaweyn ee keeni karo howlgabka kilyaha.
haddii aad caafimaad qabtid, sanadkiiba mar iska baar kilyaha adigoo iska qaada dhiig lagu ogaado shaqada kilyaha.
dad badan ayaa si qaldan u fahansan in computer la isi saaro oo uu sheegi karo in kilyaha ay shaqeynayaa, taasi wax ka jiraa ma jiraan, kumbuyuutarka waxuu sheegaa kaiya haddii kilyaha ay nabar ama buro ama barar ay leeyihiin ama dhagax uu ku jiro laakiin inay shaqeynayaa iyo heerka ay marayaan shaqo kuma lahan, taasi safiican u dhuux.

Waxaa jiro talo guud oo ugu dambeysa oo caafimaadka u roon oo ah in aad jimicsi joogto ah samaysid, in cunno isku-dheellitiran aad qaadatid iyo in aad miisaankaaga xakamaysid.

Fadlan badso cunnada faaida u leh kilyaha khaas ahaan kuwa ay ku yartahay maadada bootaasiyamka iyo foosfaytka sida kabbejka, tuunta, basasha, barbarooniga, tuffaaxa, cinabka, qaraha, saliid saytuunka, ukunta qebteeda cad, gallayda iyo kalluunka.
Intaasba waxaa ku jirto maadooyin kilyaha ku caawiyo qashin saarka iyo howlaha kale ay qabato.

Haddii ay jiraan su'aalo aad ka qabtid qoraalkaan ama faahfaahin aad u baahan tahay noo soo gudbi

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Sidee u Wanaajiyaa Caafimaadka Kilyahayga?
Post by: Msaxane on October 21, 2016, 10:51:41 PM
Salaamu calaykum
Waxad sheegtay in la badsado khudaarta potassium-ku ku yar yahay,
Potassium-kuna sida la ogyahay wuxu ku badan yahay muuska,
Muuskana faaiidadiisa iyo waxtarkiisa waa la amaanaa oo waa la isku dhiirigeliyaa in cunidiisa la joogteeyo.
Markaa sidee isu waafaqayaan taas?