Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on June 28, 2017, 03:04:51 PM

Title: Xanuunka Luqunta Iyo Kogitaanka Murqaha Garabka.!
Post by: SomaliDoc on June 28, 2017, 03:04:51 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qoorxanuun.png)

Bismillah,

Maanta casharkeenu wuxuu ku saabsan yahay xanuun bulshada kuu badan, laakiin nasiib xumo laguma baraarugsane, waxaana badanaa lagu qaldaa xanuuno kale oo u eg xanuunkaan, cilladdaan waxaa lagu gartaa xanuun qoorta ah kaasoo loo dareemo qaab cadaadis ama culeys oo kale, murqaha qoorta iyo garbaha u dhaxeeyane way kogaan, mararka qaarne barar yar, mararka qaarne maaso koronto ah ayaa laga dareemaa, qoorta laftirkeeda shanqar ayay yeelataa mararka qaar iyo inay takaataysanto oo jeejeesadku dhib noqdo, qofka wuxuu ku nafisaa daliigista iyo riixriixidda qoorta, laakiin maalmo kadib sidii ayay ku soo laabataa, xanuunka wuxuu ku faafaa garbaha illaa gacmaha waxaana gacmaha laga dareemaa culeys, tabar darri iyo kabuubyo. Wuxuu qofka dareemi akraa shanqar sidii "qac" oo kale ah markuu si kadi ah u hindhiso ama u qufaco, wuxuu kaloo dareemi karaa mararka qaar in dhuunta laga ceejinayo oo xabeeb oo kale ayuu yeeshaa, wuxuuna qofku aaminaa in dhuunta ay wax uga jiraan.

Badanaa dadka xanuunkaan qabo way ka wada siman yihiin astaamaha badankood, waa laga yaabaa in kabuubyadu aysan dadka qaar isku arkin iyo shanqarta qoorta laga maqlo iyo culeyska dhuunta soo fuulo, laakiin inta kale waa arrin laga wada siman yahay.

Xanuunkaan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Cervical Spondylosis", waana cillad marka hore ka bilaabato ricirrada ama lafaha qoorta, laakiin muddo kadib waxay u gudubtaa carjawda lafaha u dhaxayso iyo seedaha yaryar ee lafdhabarta qoorta ku jira, taasi waxay keentaa in culeys fuulo neerfaha ama xangullaha qoorta ku jira, markaasi xanuunka wuxuu isku badalaa murqo xanuun, dadka badanaa waxay xanuunka ku baraarugaan markuu qoorta soo dhaafo oo murqaha iyo garbaha ama gacmaha soo gaaro, waxaana la aaminaa badanaa inay muruq ama barkin-dhac ay tahay, sababtoo ah dadka qaar wuxuu xanuunka bilawdaa markay hurdada ka soo kacaan, barkintuna way dhibtaa, markii la daliigane waxyar oo nafis ah ayay dareemaan, culeyskane wuu ka dagaa.

Waa Maxay "Cervical Spondylosis"?
Cilladaan waxaa kaloo loo yaqaanaa "Neck arthritis", waa sida xanuunka Riixa oo kale oo qoorta gala, ka akhriso link-gaan cashar aan horay uga hadalnay riixa "Osteoarthritis": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2190.0)
Badanaa dadka qaba xanuunka riixa waa lagu arkaa cilladaan qoorta ah.

Cilladaan waxay burburisaa ama dillaac u yeeshaa seedaha yaryar ee qoorta isku hayo, waxay kale oo baaba'isaa lafaha oo waxay u yeeshaa dildillaacyo ama fiiq lafo ah oo loo yaqaano "Osteophyte", kaasoo dhawaca hor leh geysan kaor xanuunkane sii kordhin kara.

Maxaa keeni kara xanuunkaan?

Sidoo kale waxaa jira dad aan qabin xanuunkaan laakiin qabi kara xanuuno kale oo aad loogu qaldo xanuunkaan, waxaana ka mid ah:

Sidee ku ogaan kartaa inaad xanuunkana qabtid?
Waa in qofka astaamahaan qabo lala yeeshaa waraysi dheer maadaama sida aan kor ku soo sheegay lagu qaldi karo xanuuno dhowr ah, ayna dhib tahay in si dhakhso ah loogu baraarugo, kadib qofka waa la wiisiteeyaa si loo ogaado qeybta ay cilladdu ka jirto maadaama qoorta Alle ku abuuray illaa 7 lafood, mid walbane neerfe gooni ah ayaa dhinac maro, neerfahaas wuxuu quudiyaa qeyb gooni ah oo jirka ka mid ah, marka wuxuu dhakhtarka wiisiteynta ku fahmi karaa lafta ay cilladdu ka jirto inkastoo lafaha ugu badan ee cilladaha lagu arko ay tahay C5, C6 iyo C7, tan waa naxariista Rabbi, sababtoo ah lafaha ka sarreeya haddii ay wax gaaraan qofka noloshiisa ayaa halis gali karto sida neefsashada oo kale maadaama neerfaha qaarkood ay quudiyaan murqaha neefsashada kontaroola.
Kadib dhakhtarka wuxuu qofka u diri doonaa sawirro kala duwan sida Raajada, Scan-ka CT ama MRI, wuxuu kaloo qalab ku fiirin karaa shaqada neerfaha ama muruqaha, baaritaannadaan oo idil waxaa loo adeegsadaa qalabyo, Mana jiro baaritaan dhiig oo u gaar ah xanuunkaan, inkastoo dhakhtarka waxyaabo kale uu dhiigga ka baari karo sida roomaatisamka, fitamiin D-ga, kaalsiyamta, thyroid-ka IMW.

Sidee loo daaweeyaa "Cervical Spondylosis"?
Daaweyntu waxay ku xiran tahay xanuunkaaga nuuciisa, waxyaabaha kuu keenay, heerka uu gaarsiisan yahay, waxaa laga yaabaa inaad talo kaliya aad u baahan tahay ama daawo la qaato oo murqaha iyo neerfaha loo cuno ama duugis farsamaysan "Physiotherapy" ama in daawo lagaaga duro qoorta ama in qalliiin lagugu sameeyo khaasatan hadduu xanuunka bilaabo inuu jirka ku faafo maadaama dadka qaar uu curyaamin karo ama kontaroolka uu ka dhumin karo kaadidaiyo saxarada.

Talada SomaliDoc:
Warbixintaan waa mid kooban oo go'aan laguma gaari karo, sidaas awgeed haddii aad iskaga shakkisan tahay xanuunkaan ama isku aragtay astaamaha kor ku xusan, aadne u baahan tahay talo dheeraad ah khaasatan meesha aad wax ka billaabi lahayd iyo inuu xanuunkaan ku hayaba, fariin noogu dhaaf boggeena Facebook si aad dhakhtarka ugala hadashid xanuunkaaga: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)