Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xaaafad on January 21, 2016, 05:17:47 PM

Title: Su'aal: Xanuunka mindhiciro bararka iyo Caabuqa Prostate-ka?
Post by: Xaaafad on January 21, 2016, 05:17:47 PM
Asc waxaan ahay wiil dhalinyaraa  oo jira 28 sano waxaanan ku noolahay yurub mudo 5sano hada waxaanan ahay xaasle,  waan xanuunsanayaa oo mudadaas aan joogay yuruba calooshaa layga hayay xanuunka TB ayaana igaga dhacay alxamdulillah waanan ka caafmaaday kaas, balse mudo ka dib hadana waxaa aad ii xanuuntay caloosha qaybteeda hoose mindhicirada si kasta waan isu shaybaaray CT-Scan iyo Computer noocyo badan ayaan maray wax cilad ah layguma sheegin hadana waan bukaa, mudo ka dib marku xanuunki igu sii siyaaday waxa laygu sheegay qanjirka prostate oo caabuqsan, 3 bilood oo Antibiotika ayaan qaatay, balse xanuunkii igamuu tagin qanjirka kaliya maahane waxaa i wada xanuunaya mindhicirada ilaa dabada gudaha ah.     
Hadaba aan u laabto mudaduu igu bilaabmay inuu guskayga daciifo ama dhibtiisu i heshay waxaan isu arkay markii u horaysay in gusku ikacayo oo shaqada qabanayo lakin aan biyo lahayn waa arooskayga asbuucii u horaysay ka dib 7 habeen ayay iga yimaadeen iyagoo xanuun igu haya mudo ayaan sidii ku socday biyuhu hayska raageene waxayna igu qaadan jirtay 1 saac, kadib waxaa dhacday in uu geedkii shaqada dhexda ku joojiyo mudo ka dib ayaan sidaa ula tacaalaayay oo marna iga imanaayeen marna iga damaayay. Hadana mudadan hada la joogo waxaaba igu dhacda in aanu marar badan kicinba ama halmar intuu istaago ka dib fariisto. Waxaan rabaa doctor inaad bal igala taliso dhibkaas wax yaalaha sababi kara waxaanan kaloo isaga shakisanahay xanuunka mindhiciro bararka ah isagana waayo dhamaanta inta calooshayda ka hoosaysa ilaa dabada way i wada xanuunayaan naqas badana waan leeyahay. Wa billaahi tawfiiq.
Title: Re: Su'aal: Xanuunka mindhiciro bararka iyo Caabuqa Prostate-ka?
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 04:16:14 PM
Waxaan u baahanahay in aad ii sheegot Tb-da qeybtee ayay caloosha kaaga dhacday, ma mindhicirrada ayay ku dhacday mise qanjirrada caloosha mise Kilyaha mise meel kale.
Midka kale, saxarada ma ku dhibtaa, wax dhiig ama dheecaan la socdo ma jirtaa?, cunnooyinka wax aad ku xanuunsatid ma jiraan?
Kaadidaada hadda ka hor dhiig ma ku aragtay ama carro in ay leedahay? Kaadi haysta ama meesha shuunka kaaga yaalo ma ku daqnanaysaa marka aad riixayso?
Da'daadu waa imisa? wax cudurro kale oo aadan ii sheegin miyaa jira?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan fikrad buuxda uga helo xaaladaada.
Title: Re: Su'aal: Xanuunka mindhiciro bararka iyo Caabuqa Prostate-ka?
Post by: Xaaafad on February 07, 2016, 02:54:31 PM
Maxaa dhacay jawaabtaydii may adkaatay weli idin kama hayee mudadaan noo qabateena 5 maalin bay ahayd hadana waa bil!!!!!!!!!!!!!!!!
Title: Re: Su'aal: Xanuunka mindhiciro bararka iyo Caabuqa Prostate-ka?
Post by: SomaliDoc on February 12, 2016, 08:17:02 PM
Fadlan su'aalaha lagu soo waydiiyay ka soo jawaab si su'aashaada lagaaga soo jawaabo.
Title: Re: Su'aal: Xanuunka mindhiciro bararka iyo Caabuqa Prostate-ka?
Post by: Abdiselamhaji on July 10, 2016, 11:38:35 AM
Su'aalaha dhaqtarku kuwaydiiyay kajwaab sxb si lagaaga haqab tiro cabashadaada