Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashwaaq on August 16, 2010, 09:45:59 AM

Title: Su'aal ku saabsan dhagta?
Post by: Ashwaaq on August 16, 2010, 09:45:59 AM
asc , Ramadaan Kariim
waxaan  waydiinayaa dhaqtarka ama rabaa in aan ogaado hal su aal
dhagtayda bidixda ayaa mudo badan la ahey wax waan ka maqlaa imana xanuunto balse
marka aan damco in aan dhukayga ka bixiyo ayaan ka qufacaa oo marka aan saas ugaliyaba
dhuunta kadaremaa qaleey iyo qufac farobadan  iyo matag markaas wan ka daayaa oo maba tabankaro
lakiin ima xanuunto dhaqtar waan u tagey  dawooyin buu isiiyay lakiin wali waa sideedii marka maxaa sababikara arintaas  ??   waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal ku saabsan dhagta?
Post by: Abdulrazzak on August 17, 2010, 02:18:23 AM
Ramadan karim
 Qaas ahan cudurada ku dhaca dhagaha way badan yihiin sida maqaar ama gudaha  marka waxa fiicaneyd in ENT ah la tashato ilaa xad si uu kuu tusiyo waxa ka qaladan dhagta ..

Mida kale ma jiro daawo hal ama dhowr la qaato xanuunka hadii aanan  la ogaanin waxa sababay  xanuun ama xanuun laaan ba .

Ilah ha ku caafiyo