Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Qaliinka => Topic started by: SomaliDoc on February 24, 2008, 06:55:22 PM

Title: U Diyaar Garowga Qalliinka
Post by: SomaliDoc on February 24, 2008, 06:55:22 PM
Waxaa jira waxyaabo aad u baahan doonto si aad isugu diyaariso qallinkaaga.
 
Qalliinka ka Hor
• Qalliinka ka hor, waxaa laga yaabaa in laguu qorsheeyo baaritaanno dhowr ah sida:
  ─  Baaritaanka jirka
  ─  Dhiigga oo lagaa baaro
  ─  Raajo lagu saaro
  ─  EKG
• Takhtarkaaga u sheeg waxa ay yihiin daawooyinka aad qaadato marka lagu daro kuwa laguu soo qoray, kuwa aad iska soo iibsato, fitammiinnada iyo daawo geedoodka. 
• Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu kuu sheego in aad joojiso qaadashada daawooyinka qaarkood qalliinka ka hor.
• Takhtarkaaga weydii haddii ay tahay in aad qaadato wax ka mid ah daawooyinkaaga subaxda lagu qalayo.   
• Haddii aad wax xajiin ah ka qaaddid daawooyinka, cuntooyinka ama waxyaabo kale, shaqaalaha u sheeg.
• Takhtarkaaga wac qalliinka ka hor haddii aad jeermis ama cudur kale qabtid. 
• Qorsheyso in aad qof weyn oo qoyska ka tirsan ama saaxiib uu guriga kuu kaxeeyo marka uu takhtarkaagu qalliinka kaa soo saaro. Ammaan kuuma ahan in aad baabuur waddo ama keligaa iska tagto.
 
Maalinta Qalliinka ka Horreysa
• Haddii aad sigaar cabto, sigaar ha cabin ugu yaraan 24 saacadood oo qalliinka ka horreysa.
• Waxna ha cunin waxna ha cabbin wixii ka danbeeya saqda dhexe habeenkii qalliinkaaga ka hor. Tan waxaa ku jira biyaha, xanjada iyo nacnaca.
• Waxaa laga yaabaa in takhtarkaagu kaaga baahdo in aad iska soo nadiifiso saxarada qalliinka ka hor. Tallaabooyinkan raac haddii la xarriiqay:
! Calool jilciye u qaado sida uu takhtarku ku faray maalinta qalliinka ka horreysa.
! Cuntada cashada habeenka qalliinka ka horreeya, cabitaanno cad oo keliya cab. Kuwaan waxaa ka mid ah:
  ─  Biyo 
  ─  Maraq cad ama fuud
  ─  Casiir furuto oo cad oo aan lahayn qashir sida tufaax, canabka cad iyo liin
  ─  Qaxwo ama shah aan caano ama labeenta aan caanaha ahayn aan lahayn
  ─  Jello ama jalaato
 
Maalinta Qalliinka
• Haddii ay tahay in aad qaadato wax daawooyin ah subaxdaan, ku qaado oo keliya kabbashooyin yar oo biyo ah.
• Soo qubeyso ka hor inta aadan isbitaalka imaannin.
• Waxyaabaha soo socda la imow:
  ─  Taxanaha daawooyinka, fitammiinnada iyo daawo geedoodka aad qaadatid
  ─  Kaarka caymiska caafimaadka ama foomka kaalmada maaliyadeed
  ─  Kaar aqoonsi ah.
 
Wixii su’aalo ama walaac ah halkaan ku weydii.

SomaliDoc