Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: KAAMBE on January 16, 2011, 07:36:59 AM

Title: SU'AAL: JABTADU MA U KEENTAA MADHALYSNIMO RAGA?
Post by: KAAMBE on January 16, 2011, 07:36:59 AM
JABTADU MA U KEENTAA MADHALYSNIMO RAGA HADII AAN MUDO LA DAAWAYN.
Title: Re: SU'AAL: JABTADU MA U KEENTAA MADHALYSNIMO RAGA?
Post by: SomaliDoc on January 18, 2011, 06:10:56 PM
Haa, Jabtida ragga waxay ka dhigtaa madhalays haddi aan la daaweyn, madhalaysnimada laga qaado jabtida waxaa lagula tacaali karaa daawooyin ama qalliin.
Infekshanka Jabtida iyo Chlymediaha waxay ku dhacaan tubooyinka epididimis taasoo keenta inay caabuqaan ama xirmaaan shaqadane ay joojiyaan.

Halkaan ka akhriso qoraal looga hadlayo Jabtida iyo daaweynteeda.
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1030.0)

Waxaa kaloo akhrisataa cudurrada lagu kala qaado galmada.
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0)
Title: Re: SU'AAL: JABTADU MA U KEENTAA MADHALYSNIMO RAGA?
Post by: KAAMBE on January 19, 2011, 07:38:50 AM
WAA MAHADSANTAHAY DR.
LAKIN QOFKU SIDEE U DAREEMI KARAA INUU XAALADAAS MARAYO MA DHALAYSNIMAD AH. MASE DAREEMI KARAA MARKA UU KAADINAYO AMA GALMOONAYO INAY TUPES KU AY XIRMEEN IYO IN KALE. MASE LADAWAYNKARAA HADAY JIRTO XAALADAASI. THNX DR.
 
Title: Re: SU'AAL: JABTADU MA U KEENTAA MADHALYSNIMO RAGA?
Post by: SomaliDoc on February 03, 2011, 05:10:05 PM
Ma jiraan calaamado u gooni ah jabtida markii heerka madhalaysnimada ay gaarto oo aan ka aheyn calaamadihii jabtida oo qofka ku raagto kaliya.

Haddii tubooyinka xirmaan waxaa lagu daaweeyaa qalliin, ee la xiriir takhtar haddii aad iskaga shakisantahay cudurkaan.