Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on March 13, 2017, 11:24:34 PM

Title: Su'aal: Wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig bilig ka siiyo?
Post by: Abdi21 on March 13, 2017, 11:24:34 PM
asc dr mahadcelin balaaran karib wiil yar ayaa qandho qabatay kadib wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig blig kasiiyo karibna lug iyo gacan isku dhinac ah jareeyaan ama bood boodaan sidii qalal ookale anbulance ayaa qaaday baaritaano kadib waxba waalaga waayay waxayna dhaheen soo celiya hadii aad markale aragtaan habeenkii kale same saacad ayuu sidii noqday qorax dhaca uun waaye isbitaalka ayaa la geeyay dhaqtar madaxa compiuter waa la saaray baaritaan kale oo fiilooyin lagu xiraa madaxa waa la marsiiyay dhiigag saxaro iyo kaadi waa la qaaday dhaqtar u far jucinaa si uu ufiiriyo  oo dhaqdhaqaaqiisa fiirinaa waa loo keenay all negative alx caawa iyo maanta oo qandho eeysan qaban wuu roonyahay xanuunkiina ma qaban muxuu yahay waxaas qalalka cml ah qandhadiisa 39/40 ayeey ahayd
Title: Re: Su'aal: Wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig bilig ka siiyo?
Post by: SomaliDoc on June 26, 2017, 10:06:28 AM
Walaal cunugga Ilaah hakuu caafiyo, laakiin qaabka aad u sheegeyso waa nuuc qallalka ka mid ah waxaana keenayo qandhada, waxaana qallalkaan lagu arkaa caruurta da'doodu u dhaxayso 6 bil illaa 6 sano, waxaana af-englishka lagu dhahaa "Febrile convulsion", qandhaduna waa mdi aad u daran oo 40 degree gaarto.

Waxaa muhiim ah in qandhada waxa keenay la baaro sida malaariyada, quumanka, caabuq dhegta IWM, waxyaabo badan ayaa qandho u keeno caruurta laakiin waxaa jiro caabuqyo ama xanuuno lagu garto qandhadooda siyaadada ah sida kuwa aan kor kuugu tilmaamay.

Caafimaad buuxan insha'llah, waxaan kugula talin lahaa fariimaha degdegga sidaan oo kale, ku soo hagaaji qeybta messages-ka ee boggeena Facebook, halkaan in laga soo jawaabo bioooyin ayay qaadataa mararka qaar, maadaama su'aaluhu ay badan yihiin oo la kala horeeyo.