Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aamino on December 26, 2014, 05:54:02 PM

Title: Su'aal: Sanbabka ayaanan qayb shaqaynaynin?
Post by: Aamino on December 26, 2014, 05:54:02 PM
Wan idin salamay dhakhatirta sharaftale waxan idin waydinaya su al gabar  an saxibnahay aya waxa lagu dhahay sanbabkaga qayb ayan shaqaynayn macnaha mid ayan shaqaynayn, marka  wax dhib ah kugumahayso oo lagama jarayo iyana waxa ay daremaysa in dhinaca  oo dhan oo culayska saran yahay inyar haday so cotana  ama aysanba socona qufac an kala jogsanayn marka waxay idin waydinaysa maxay dhib u keni karta mustaqbalka mase ficnan lahayd inlaga qalo  waxan  kaga dhacay iyada oo yar ayey  jugka gartay?
Title: Re: Su'aal: Sanbabka ayaanan qayb shaqaynaynin?
Post by: SomaliDoc on December 28, 2014, 08:46:57 AM
Walaal Su'aashaada faahfaahin dheeraad ayay u baahan tahay.
Maxay tahay sababta qeyb ka mid ah sanbabka uusan u shaqaynaynin?

Markii jawaabtaas la ogaado ayaan ka hadlin karnaa waxa ay dhibaato ku hayso iyo mid mustaqbal ahaan waxa u keeni karo.
Midda kale, xanuun kasta qalliin maahan ee waxaa ka horreeyay in laga sal gaaro cillada waxa ay tahay marka hore.

Fadlan saaxiibtaa ku laabo oo kula tali takhtar ku taqasusay cudurrada guud hala xiriirto.