Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salaado cali on February 10, 2016, 06:57:32 PM

Title: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: Salaado cali on February 10, 2016, 06:57:32 PM
asc drs salaan kadib
dhaqta waxaa aad ii cajab galiyeey labo ilmood oo aan dhalay ayey markay dhashteen labduba ku dhashay isku calaamdo mataano mahan dhaqtar waxay kala wayihiin sand iyo 3bil
Calmadaha hadaan kuu sharaxo qayr allah ku siiyee
1 naqska ayaa ku dhagan xabkana way cuneen
2 kadib marka xabka laga nadiifyo caadi ayey iska naqodaan marka la ii keeno si aan u nuujiyo saacado badan kadib waxa cabsta ayaa dhib ku  ah matag ayey kaa hor keenayaan ugu yaraan marka laga joogo dhalashada ka dib 19saacadood qiyaastii ayey waxa liqid bilaawaan ayga oo saxashadoodo iyo matagooda aad u badanyahay
3 kadib waxay bilaawayaan neef shanqar lah oo bowsis ah marna ku dhagaysa marna ka fuqaysa shaqartana waxaad  moodaa inay ka soo baxayso xaga dhuunta ilaa sanka qaybtiis sanqada 
4 dhuunta hoosteeda marna kor ayey aadaa mar hoos feeraha dhaxadoodan aad bay u godantahay 
Maraka ay jiifaan way feecanyihiin waxaba lagama dareemayo lkn marka ay soo kacaan aad baa looga naxaa oo waxaad moodaysaa inay naftu ka socoto waxa cabstun dhib ayeyy ku tahay waxaana laga dareemayaa inay neeftu oxgenka iyo carbonka aysan u socon sida caadiga  oo way bowsiiyaan waxa cabida
midka wayn markuu 3bil jiray ayaan geeyey dhaqter guud waxaa la ii kudbiyey qabta entka dhaqtarkii aan la kulamay wuxuu ka jeekimay dalqda asgoo alwaaha yara ku riixaya carbka sankana wuxuu ku ifiyey toosh yar shanqartiisa aad buu u dhagaystay  ka dib wuxu igu  dhahay   acid reflx ayaa haya wuxu ii soo qoray rintadin oo labo waqti la siinayo iyo normal salin oo sanka lagu shubayo hal bil ka dib shaqrtii way yartaatay lk sidii ayey neefta ugu dhagaysay mar ka fuqaysay sadax bil kadib waxaa laga qaado
X-ray iyo computer wadnah ah waxay dhaheen wuu feecanyahay wadanihiisa iyo feerihiisa waxay saareen labo nuuc midka warqada la daabacayo ma xasuuto magacee iyo mid kale oo vide ahaan loo daawanayo
Galiyeen sankiisa tubo camre leh sankiis waxay igu dheheen sankiisa ayaa xiraan markuu labo sano gaaro ayaan qalaynaa wili waxay i siiyaan apoinmenti  marksta waxay i waydiyaan sifeecan ma u seexaadaa  sidaan kuu sheegay marka ay jiifan waxaba ma qabaan xitaaa ma quuriyaan hada kan wayn waa sand iyo bar marka uu daalo ayuu shaqnriyaa neefna waa sideedii
Kan kale waa sadx bil hada waa isku mida isbitaalka ayey jiiftay 14 bari markay dhaltay ka dib aygoo garan la waxa ka qaldan ayaan u sheegay ilmihii iiga waynaa inuu sidaan ahaa oo lagu sheegay sankiisa inuu xiranyahay kadib qaybti ayeyy ii gudbiyeen  Camrdi ayey sanka ka galiyeen waxay dhaheen hal dhinaca sanka ayaa xiran kan kalna wuu yaryhay balan ayey isiiyeen sidii aan ugu soo baxanay isbitaalka
Baltii markaan ku noqoday ayaan tusay feeraheeda iyo dhuunta camrdii ayey hadan saareen waxay dhaheen xab badan ayaa sankeeda ka buuxa lkn hargab ayey qabtay dhaqtar malmaahas ka horey balnta
 qaybta ilmaha la jiifyey ii gudbiyeen dhaqtardii waxay ii soo qortay daawo qaljiya ah oo magaceedu yahay augmentin iyo gaajo cusbo ka samaysan oo sanka looga shubayo diifka ka soo nadiifinayso hargabkii way ka feecnaatay
Marka  ilahay qayr ha idin siiyeey waxa iga fahansiiya cildaan waxay tahay iyo waxa dhib ah oo ay u kaysan karto mustaqbalkooda
Waxan isticimaali jiray markaan uurkooda lahaa xanuun baabiye ilkaha oo kaliya ayaa i xanuuni jiray isku guri ayaan ku dhalay markaan uurkooda lahaa fadhiga ayaa i dhib jiray mid caadi ayaan u dhalay midana waa laygu qalay
Thanks for you help jazakalah
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: Salaado cali on February 11, 2016, 02:11:55 PM
Asalaamu calykum mar kale dr waxan kaa ilaaway inuu kuu sheego familka iyo caafimadooda sida cuduro layska dhaxalo inay qabaan
Dhaqtar waxa qabo ma jiraan labadeen faamil neef ,tiibii waxa balwad leh ma lahin labadeen famil macanh ilmaha aabahood familkisa iyo familkayga sunkar iyo dhiikar abaahay o kaliya ayaa qaba
thanks
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: SomaliDoc on February 15, 2016, 05:12:21 PM
Waad ku mahadsan tahay warbixintaada dheer, calaamadaha aad tilmaantay waxay tilmaamayaan xirnaansho hawo mareenka, taasoo sanka ka bilaabayo illaa dhuumaha hawada qaado oo sanbabka ku dhex jiro.

Caruurta way ku dhalan karaan xirnaansho sanka, waana abuuris, dhaxal ahaane wuu ku imaan karaa, caruurta saas ah waxaa aad muhiim u ah in aadan guri ku dhalin oo aad isbitaal ku dhashid, waa in xabka safiican looga soo nuugaa marka ay dhashaan, haddii kale way ku sixanayaan, wayna ku cabburmayaan.

Marinnada sanka oo xirma ama cariiri noqdo waxay caruurta u keenaan in hargab ama caabuq yarba aysan u adkaysan karin, wuxuu kaloo keeni karaa in oksajiinta ay jirka ku yaraato sidaasne uu korriinkooda u saameeyo, waxaa kaloo muhiim in ilmaha baaritaan guud lagu sameeyo si loo ogaado haddii ay jiraan cillado kale oo ay ku dhasheen.

Kullamaa caruurtu ay sii waynaadeen dhibka ay dareemaan way ka koraan, laakii markasta waa in xal loo helo si korriimadoodu aysan gaabis u noqon xag jir iyo xag maskax intaba.
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: Salaado cali on February 16, 2016, 12:21:20 PM
Jazakaalah dhaqttar waxay igu dheeheen midka wayan waan qalayanaa markuu gaaro 2years maxaad igula talin laheed
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: Salaado cali on February 16, 2016, 12:24:54 PM
dr hada 3 bil ayey jirtaa xabka malaga saari karaa? Aygaba way ii sheegeen in xab ka buuxo
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: SomaliDoc on February 24, 2016, 01:54:07 PM
Maya, xabka hadduu raago waa dhib in la soo saaro, wuxuu dhibaato geysan lahaa wuu geystay, taasoo ay ka mid tahay in dhuumaha yaryar ee hawada qaado ee sambabka ku jiro inuu ku dhex qallalo, laakiin caruurta qaarkood markii ay waynaadaan way ka gudbaan cilladaan.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: Salaado cali on February 24, 2016, 09:34:07 PM
Jazakaalah dhaqtar suaal kale midka wayn waxay igu dhaheen waan qalaynaa markuu gaaro 2 sano maxaad igula talin laheed
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: SomaliDoc on March 02, 2016, 01:51:40 PM
Halkee ku nooshahay oo lagu qali rabaa? Qalliinka loo sameynayane magaciis?
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: Salaado cali on March 23, 2016, 05:15:47 PM
Asc waan ka xumahay inaan la soo daaho jawaabta 
Waxaan ku noolahay south africa waxa qaliin magaca kuma qorna kaliya waxaa ku qoran opertion age 2yrs thanks dr
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: Salaado cali on March 29, 2016, 09:04:10 AM
Asc jazakalaah dhaaqtiirta sharfta leha wili jwb ayaan idinka sugaayaa waxay igu dhaheen qanjidh ayaa sanka gadaashiisa ku yaaala marka waxaan aad u jecelaan lahaa inaan xal u helo haday jurto sabab keenayso inay sidaan ku dhashaan  oo ayadan aheeyan dhaxal
Iyo mustaqbalkoodo wuxuu noqon karo  miisaan yari wili iimay sheegin dhaaqtiirta marksa waan waydiiyaan  jazkalaha dr
Title: Re: Su'aal: Ilmo yar oo neeftu dhibayso?
Post by: SomaliDoc on April 11, 2016, 12:11:41 PM
Qaabkii hore ee aad u sharaxday cillada cunuga iyo qanjirkaan aad tilmaantay isma keenayso, wayna igu adag tahay in aan sidaa ku garto, haddii aadan faahfaahin intaa ka dheer ii sheegin sida qanjirka lagu sheegay magaciisa am qaalliinka lagu samayn doono.