Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilias on January 28, 2017, 12:27:50 PM

Title: Su'aal: Qabawga ayaan aad u dareema?
Post by: Ilias on January 28, 2017, 12:27:50 PM
Waxaan ku noolahay mudo sanad iyo sagaa bilood ah qurabaha waxaan xiligan qaboobaha aad iii xanuuna gacmaha farahooda waliba cidiyaha ayaa aad iigu daran waana marka aan banaanka aado oon daqiiqado ku maqnaado ama kubad ciyaaro ama baskiik kaxeeyo. Dhib badan ayaan ku qabaa doctor xitaa dhalinta kubad lama ciyaari karo xitaa anigoo glove qabo ayey saa yihiin hadii aan glove la aan ahay haba sheegin marka aan ugu fiicanahay waa marka aan gacmaha jeebka kula jiro ma daremo lkn hadaan banaanka daqiiqado kooban ku hayo waxaanba mooda inaan dab gacmaha la galay. Walina dhaqtar uma tagin .waxaan aan u dareemay arinkan winterka aan hada ku jiro. Mrka doctor fadlan ciladaas waxay ayaan garab kaaga bahanahay.

Wixii ayaad fahmi wayso waad isoo waydiin kartaa ama suaalo.

Jazakallah doctor
Title: Re: Su'aal: Qabawga ayaan aad u dareema?
Post by: SomaliDoc on May 04, 2017, 11:36:44 AM
Waxaa arintaan loo yaqaanaa "Cold intolerance" oo ah macnaheeda u dulqaadasho la'aan cimillada qabaw, waxyaabo badan ayaa keeni kara sida in jirkaaga ay dufanka ama baruurta ku yar tahay oo qofka ka difaacdo qabawga ama cillad caafimaad ah jirto sida dhiig-yarida, cunno xumida, xanuunka thyroid-ka dhacsan, cillad xidada faraha ku dhacdo ee loo yaqaano "Raynaud's syndrome", cillad qanjirada kontaroolada heerkulka jirta iyo xanuuno kale.

Marka waa muhiim in aad dhakhtarkaaga la tashataa haddii aad dreensan tahay in dadka kale aad ka duwan tahay oo aadan u adkaysan karin qabowga weliba adigoo qaatay talaabooyin aad kaga hortagaysid.