Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AbdirashiidKJ on September 26, 2016, 01:06:40 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena Hamaansiga Badan?
Post by: AbdirashiidKJ on September 26, 2016, 01:06:40 PM
waxaan dhakhatiirta ka codsanayaa inay iga shakhi saraan calamadaha aan dareemayo waxa ay yihiin:

1. waxaan dareemayaa inaan u baahanay neefsi farabadan oo qoto dheer waxaad moodaa in naqaska aan isku ceejinayo oo kale  sidaasi
darteed aan neefsasho badan aan qadaanyo.markaaan hamaansado waan nafisaa,mararka qaar hamaansi badan ma lihi.

waxaan marmar is idhaa waa xaga wadnaha oo wadno xanuun baan u qaata, ama waa xaga sambabada ayaan is idhaa. sidoo kale anxiety disorder iyo shallow breathing maxay yihiin mise keeni karaan xanuunkan.

2. Sidoo kale waxaan leeyahay welwel baahsan oo si kadis ah iigu imaada marka aan ka fikiro waxyaalaha ku saabsan cafimaadkayga iyo noloshaba, inbadan wuu igu soo noqnoqoney welwelkan oo kalba meel ayuu igaga imaada welwelkan ilaa caruurnimadaydi waan laha oo

waxaan is odhan jiray waad waalan doontaa aakhirka, oo waxaan ku fikiri jirey waxaan caruurta kale ku fikirin sida:

*  maxaad ku cadeynaysaa inaad qof nool tahay iyo inaad hore u dhimatey oo aanad nooleyn?
* waxaad jeceshay ayaad waayi doontaa


 iyo waxyaalo farabadan oo aan hada halkan ku soo kobi karin oo igu keeni jiray welwal badan markaan ka fikiro

markaa akhriyey Calaamadaha Xanuunka OCD waan isku arkey qaarkamid ah calamadaahas oon la soo koobi karin  hadeytahay xaga ficil ahaaneed iyo xaga maskax ahaneed ee xanuunkan leeyahay.

Alle Ajar iyo Xasanaad Ha idinka siiyo sidaad iskugu kaayo hawsheen ood wakhti noo siiseen
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena Hamaansiga Badan?
Post by: SomaliDoc on October 26, 2016, 06:10:19 PM
Sida aan ka fahmay warbiintaada kooban, cillada aad ka cabanaysid looma yaqaano hamaansi.
Waxaa la dareemaa xilliyada welwelka, taasoo lagu qaldi karo wadna xanuun ama inuu culeys kaa saaran yahay wadnaha ama neefta ay ciriiri kugu noqnayso, markaas ayuu qofka si qoto dheer ah u neefsadaa si uu u dareemo nafis ugana dago culeyska.

Waa arrin sida dabiiciga ah lagula taliyo dadka welwelka badan ama qabo cillada argagaxa inay isku dajiyaan iyagoo si qoto dheer ah oo aayar ah u neefsadaan si oksajiin fiican jirka u helo.

Akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay Welwelka xad dhaafka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5865.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5865.0)
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena Hamaansiga Badan?
Post by: AbdirashiidKJ on November 07, 2016, 10:37:51 PM
Jazaka allah Khair