Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Somali_Nabad on May 27, 2015, 05:32:57 PM

Title: Su'aal: Maxaa sababaya finanka jidhka kasoo baxa?
Post by: Somali_Nabad on May 27, 2015, 05:32:57 PM
Waxaan salaamayaa dhakhtarada iyo akhristeyaasha somalidoc.com.
Bacda salaan su'aashaydu waxa weeye sidan:
Wiil sxbkay ah ayaa markasta finan kasoo baxayaan jidhkiisa.
Marba meel, sida gacmaha iyo lugaha oo kale ayaa waxa kasoo baxaya finan waawayn oo meeshuba bararayso tusaale ahaan fin baa lugta kasoo baxaya wuxuu noqonayaa nabar bararani ooo dilaacaya oo dheecaan ayaa ka imanaya oo wuxuu u baahanayaa dhaymo (dressing). Hadabs maxaa sababaya, ma dhiigiisa ayaa xumaaday. Waa sida sxbkay moodayee?.
Title: Re: Su'aal: Maxaa sababaya finanka jidhka kasoo baxa?
Post by: SomaliDoc on May 28, 2015, 10:17:36 PM
Finan dheecaan leh oo jirka meelo kala duwan ka soo baxa, waxay noqon kartaa infekshan maqaarka ah, waxayna dadka qaar u yaqaanaan kasoo-bax, dheecaanka ama qoyaanka nabarkii hore hadduu meel kale gaaro nabar ayay isku badashaa, jirkane kama baxo haddii aadan qaadan daawo antibiotic loogu talagalay in bakteeriyadaa lagu dilo, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1163.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1163.0.html)

U sheeg saaxiibkaa hala xiriiro takhtar maqaarka ah.