Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on January 17, 2012, 06:50:25 AM

Title: Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?
Post by: CilmiSabca on January 17, 2012, 06:50:25 AM
Asc wrt wbt. Sln ka dib.
Dhakhtar, xiirida timaha ee joogtada ah gaar ahaan caruurta, wax dhib ah ma leedahay?
Dhakhtar, Caruurta inoo joogta (faamilkeyga ahaan) bil ama 2ba bilood oo walba timaha waa laga xiiraa, taas oo loola jeedo in lagu ilaaliyo nadaafada madaxa ilmahaas iyo in aysan timuhu dhuuqin dheecaanka ilmaha (marka aan timaha u daayo waxaa la mooda ilmo dhafar uu dilooday, marka la xiidho se waa Maasha Allaah, lkn mustaqbalka mooyi!). Haddaba, Dhakhtar, sirta timo xaalufinta is daba jooga ah maan fahmin, qofkaan ka wareystana wuxuu la soo hinqanayaa maahmaah aanan ku qancin, taas oo ah "XIIRO, XAASIDKAAGANA HA U SHEEGIN!." Marka Dhakhtar, caafimaad ahaan waa maxay sirta ku jirta xiirashada?
-Waxse ila yaaba in ay timuhu magnad leeyihiin waayo haddii aad feertada (shanlada, hair comb, firtada, madax-xaaqdada kd...) ku feerto timaha ee aad u dhaweysid xaashiyo yaryar waxaad arkeysaa xaashiyihii oo soo booday oo sida bir danabka shanladii ugu dhagan, tani Dhakhtar, difaac ma u tahay madaxa? Maxayse yihiin magnadyadaas timuhu sameynayaan caafimaad ahaan?...
Waad ku mahadsan tihiin jaaniska aad ku akhrisateen mowduucan. Thanks Somalidoc 4 ever.
Title: Re: Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2012, 12:07:55 PM
Dhibaato caafimaad xumo ka dhalato tinta oo si sidaba joog ah loo xiiro ma jirto, maxaa yeelay waa wax eebe ugu talagalay in la xiiro hadane soo baxdo, waxaa jira dad aaminsan haddii tinta la xiiro way adkaataa ama way ka badataa sidii hroe taasina wax cilmi ahaan la aaminsanyahay maahan.

Xabadka tinta ah horay ayuu u dhuudhuuban yahay oo dhexda wuu u weynyahay oo markii la xiiro ama makiinad la mariyo tinata way ka buurbuuran tahay tii hore oo afkii tinta ee dhuubnaa oo jilicsanaa ayaa la xiiray taasi ayaa waxay keensanaysaa in tinta ay u egtahay mid adkaatay.

Midda kale tinta oo si joogto ah looga xiiro caruurta ayaaba caafimaad ku jirto sababahaan soo socdo awgeed:
Maadaama caruurta aysan aad uga fakarin oo aysan uga taxadarin nadaafadda tintooda waxay halis ugu jiraan cudurro badan oo tinta galo ama ku dhaco sida: Injirta madaxa gasho, Canbaarta madaxa gasho oo dugsilayda ku badan, caabuqa ka dhasho nadaafad darrida timaha.

Marka maadaama tinta oo la xiiro ay wasakhda madaxa saarnaan karin, injirtane aysan ukumo dhigan karin, si sahlanne loo nadiifin karo haddii carro iskaga shubaanne laga dhaqi karo ayaa caafimaad ahaan in tinta la xiiro aan aaminsanahay in ay tahay shay u wanaagsan caruurta.

Midda ku aadan shanlada warqadaha soo jiidanayso maahan wax ku xiran tinta kaliya ee laba shay kasto oo la isku xoqo waxaa ka dhasho danab taasoo wixii lagu xoqay ka dhigo (+) midka la xoqayna ka dhigayso (-).
Tani waxay keensanaysaa shanladii danabkeeda badalmay in ay soo jiidato warqadaha yaryar, tusaale ahaan dharka qaar markii isku xoqmaan way ka dhalataa oo wax dab camal ah ayaaba ka kaco.
Tani maahan wax caafimaad ahaan la xiriiro ee waa sharci physics ah oo loo yaqaanno "Static Electricity".