Somali Medical Forums

Medical Student Forums => I want to Study Medicine => Topic started by: IsseGole on January 28, 2007, 08:58:54 PM

Title: Study Medicine in Yemen
Post by: IsseGole on January 28, 2007, 08:58:54 PM
Waxaan salaan aad u qaalli ah ku salaamayaa ardada caafimaadka dhigata ee soomaaliya meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibaddaba, iyo takhaatiirta soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan.
Ardayda caafimaadka dhigata ee ku sugan dalka yaman magaalooyinkiisa kala duwan, waa arday aad u fara badan markii la eego tirada ardada soomaaliyeed ee caafimaadka dhigata isla markaana hal waddan wada jooga, waxaa la aaminsanyahay inay yihiin ardada ugu tirada badan ee soomaaliyeed ee caafimaad barata ee hal waddan wada jooga.
Ardadaasi, waxay leeyihiin ururro kala duwan oo ay ka mid yihiin, walaw aysan urur goonni ah oo ardada caafimaadka kaliya koobaya aysan lahayn wali, haddana in badan oo ka mid ah waxay leeyihiin xiriirro kala duwan iyo kulamo ay isku waydaarsanayaan aragtiyada iyo qaababka ay uga faa'idaysan lahaayeen aqoontooda iyo shaqadooda markii ay ku laabtaan waddankii hooyo ee ay dartiis wax u baranayaan.
Waxaa in la sheego mudan, in yaman oo ay joogto jaaliyaddii soomaaliyeed ee ugu waynayd haba u badnaadeen dad iska dhibaataysan oo qaxooti u badan, ay ardada jaamacada dhigta siiba jaamacadda culuum wa tiknoloojiya, oo ay ku bartaan ardada ugu tirada badan ee maaddooyinka scineceka dhigta siiba caafimaadka, waxaa in la sheego mudan in ay ardadaas oo 7 sano ka hor wax barashada halkan ka billaabay ay aad kor ugu qaadeen sumcadda soomaalida ee dalka yaman.
Sidaa awgeed, waxaa ardada caafimaadka ka dhigata dalkan yaman laga codsanayaa inay nagu sharfaan halkan oo ay ka faa'idaystaan waxa loogu diyaariyay meeshan ee aqoonta iyo qaybaha kala duwan ee faa'idada miiran, oo ay noo sheegaan wixii ka si ah si aan u saxno.
Kollay caalamku maanta waxaa lagu tartamayaa speedka informationka la isku waydaarsanayo, marka meeshan idinkoo isticmaalaya waxaa idiin suura galaya inaad updating ku samaysaan macluumaadkiinna medicine, daawataan vedeos, slide shows, ka qaybqaadataan chatting, aad la kulantaan lana xiriirtan si sahlan saaxiibbadiinna isla maaddada caafimaadka ka dhiganaya daafaha dunida. marka soo dhowaada.
Ciise Dheere, moderator.
Title: Re: Ardada caafimaadka YEMEN.
Post by: Omaraa on January 29, 2007, 06:48:25 PM
Marka hore waan idin wada salaamayaa dhamaan, waxaana rabbi idinkaga baryayaa inaad noqotaan kuwi anfaca dalkooda iyo diintooda.
Webkan aad samayseen , waxaan filayaa inuu idiin soo hoyin doono guula waa weyn, haba u badnaatee dhanka wada xiriirka ardayda caafimaadka barata ee soomaaliyeed oo kukala baahsan aduunka daafihiisa kala fog.

Waxaan jeclaystay inaan halkaan salaan idinkaga soo gudbiyo dhamaantiin, waxaan idin leeyahay horey u sii wada hawsha.

Walaalkiin
Cumar .C.Xasan
Pharmacy section
Adan /yemen
Title: Re: Study Medicine in Yemen
Post by: Naomy Grace on February 19, 2008, 06:31:41 PM
yeah Dr.ciise...ur right..it`s agood idea that all somali medicine students get together


anyway i`m ust student...and if anyone needs any infromation i`ll be glad to answer
Title: any one study medicine in caribbean AUA
Post by: Habshir on July 08, 2008, 09:29:16 PM
Looking information
Title: Re: Study Medicine in Yemen
Post by: Qawariira on August 14, 2008, 12:04:11 AM
Salaam alaykum warahmatullah all,

So what are the entry requirements, cost for international students and is med school accredited in UK and other countries....jzk khayran