Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on February 16, 2008, 02:53:19 PM

Title: Xanuunkaaga (About Your Pain)
Post by: SomaliDoc on February 16, 2008, 02:53:19 PM
Waqtiyo badan ayey dadku xanuunka qabaan qalliin ama dhibaato awgood.
Xanuunku waa habka uu jirku dhanbaalka ugu diro maskaxdaada ee ah in caawino loo baahan yahay.
Haddii xanuunkaaga aan la maareynin, soo kabashadaadu waqti dheer ayey qaadan doontaa.
Noo sheeg sida aad dareensan tahay iyo waxa uu heerka xanuunkaagu yahay si markaas aan u awoodno inaan kaaga baabi’ino xanuunka. Adiga oo keliya uun baa garanaya sida aad dareemeysid.
Waxaan ku weydiin doonnaa inaad noo sheegto wax ku saabsan xanuunkaaga.
• Xaggee ayuu xanuunku kaa hayaa? Tilmaan meesha jirkaaga ka mid ah ee ku xanuuneysa.
• Miyuu xanuunku ku baahay qaybaha kale ee jirkaaga?
• Goorma ayuu xanuunku billowday?
• Ilaa intee ayuu xanuunku le'egyahay?
• Sidee ayuu yahay xanuunku? Ma ku gubanaysaa, xatxataynaysaa ama xanuunaysaa? Ma mid damman baa mise mid fiiqan? Ma mid joogto ah baa mise wuu yimaadaa oo iska tagaa?
• Miyuu waqti maalinta ka mid ah ugu daran yahay? Subixii? Fiidkii?
• Maxaa xanuunka kaa yareeyo? Maxaa keena in xanuunku ka sii daro? Maxaad samaysay si aad isugu daydo inaad xanuunka iska yarayso? Miyey daawadu xanuunka ka dhigtaa mid sidii hore dhaama? Ma wuxuu aad kuu xanuunaa marka aad fir-fircoon tahay mise marka aad jiifto?
• Miyuu xanuunku saameeyaa qaybaha kale ee noloshaada? Miyuu kugu adkeeyaa in aad seexato, cunto, ama aad is daryeesho amadaryeesho kuwa kale? Miyuu kuu keenaa xanaaq, ilmeyn ama sabar la’aan?

Ka jawaabidda su'aalahaan waxa ay u sahleysaa dhakhtarkaaga inuu ogaado meesha lagaa hayo, kuna daaweeyo.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah halkaan ku weydii.

SomaliDoc