Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: MAHAD CADDE on February 22, 2010, 10:25:58 AM

Title: Su'aal: QAAMO-QASHIR (MUMPS)? DAWO MALEEYAHAY ?
Post by: MAHAD CADDE on February 22, 2010, 10:25:58 AM
AssalamuCalaykum waraxmah

walaal suaal kale oo ku saabsan waayadan waxaan aragnay canuunki la dhihi jiray QAAMOQASHIIR (Mumps) sida aan maleenaayona waa Virus, hadii an Internetka ka baadogoobay dabiibkiisa waan ka waayay wax aan ka ahayn qandho jibin & talaal wax nuucaa ah, antipiotic ma siin karaa ? ilaa maaha bactaria'e nuuceense siin karaa ? hadiiba aad igula taliso.

Jawaab degdeg ah baan idinka sugayaa waayo haduuba iga hayaa caruur

Mahadsanid
Mahad Ahmed
Customer
Title: Re: Su'aal: QAAMO-QASHIR (MUMPS)? DAWO MALEEYAHAY ?
Post by: SomaliDoc on February 22, 2010, 12:32:26 PM
Qaamo-qashiir waxaa keeno fayrus sidaa darteed laguma daaweeyo anti-biotic laakiin wuxuu Qaamo-qashiirka isku badali karaa caabuq bakteeriyo oo markaas lagu magacaabo "Suppurative Parotitis".

Markuu is badalo waxaa lagu daaweeyaa antibiotic isku dar ah sida "Augmentin" oo kale.

Caalamadaha laug garto in Qaamo-qashiirka isku badalay caabuq waa in qanjirka uu dheecaan malax ah uu yeesho.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Qaamo-qashiirka
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2504.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2504.0.html)