Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilwad21 on October 28, 2011, 12:33:34 PM

Title: Su'aal: maxaa keena biyahaa jalaa ama huruuda ah?
Post by: Ilwad21 on October 28, 2011, 12:33:34 PM
    asc walaal aad ayaan idinku mahad naqaya dhakhtarada iyo intii kala hawl gashaba webkan qiimaha leh
 waxa aan dhakhtarada waydiinayaa su`aal ku saabsan cafimad
dhakhtar waxa aan isku arkay biyo bax biyahaas oo ah kuwo jalaa oo aan wax dareena ku imanayan way iska socda ur aad u qadhmuunbay  watan  waana markii igu horaysay ee an arko ka dibna waxa iga yimid cadadii wax dhakhtar ahna lama kulmin
sadex cisho ayey iga socdeen biyahaa huruda ahi hadana cadadii ayaan ku jiraa
aad ayaana uga shaki qabaa waxa ay yihiin
maxaan sameeyaa dhakhtar ?
maxaa keena biyahaa jalaa ama huruuda ah ?
 
mahad sanid
Title: Re: Su'aal: maxaa keena biyahaa jalaa ama huruuda ah?
Post by: SomaliDoc on October 29, 2011, 06:33:55 PM
Haddii qoyaanku uu wato midab iyo ur labadaba oo aadan horay iskugu arki jirin waxay calaamad u tahay infakshan, kaasoo la socon karaan calaamado kale sida cuncun iyo mindhicirro xanuun weliba qeybta hoose ee caloosha.

Waxaa jiro dhowr cudur oo keena infakshanka haweenka oo aan horay uga sheekeynnay waxaadna ka akhrisan kartaa qoraalladaan hoose:
1- http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.html)
2- http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1040.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1040.0.html)

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ahne waad na weydiin kartaa.