Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 22, 2016, 07:41:56 PM
-
(http://somalidoc.com/Topics/xeyrcalool.png)
Bismillah,
Casharkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay cayilka caloosha ee ragga isku arkaan khaasatan guurka ka dib.
Cayilka wuu sadax jibaarmaa guurka kadib, ragga iyo dumarkaba way cayilaan, laakiin qaabka ay u cayilaan ayaa kala duwan, ragga waxay badanaa ka cayilaan caloosha, dumarkane bowdyaha iyo naasaha.
Waxaa horay u jiray fikrado aaminsanaa inuu cayilka iyo hormoonada jinsiga uu xiriir ka dhaxeeyo, laakiin cilmibaaris lagu sameeyay in ka badan 17,000 oo rag oo calooshak a cayilay markay guursadeen ka dib waxaa la ogaaday inaysan cillada ahayn hormoonada jinsiga, laakiin sababtu ay tahay waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin:
- Ragga qaarkood oo aanan muuqaalkooda ka fakarin guurka ka dib, maadaama ay heleen qoftii ay nolosha wadaagi lahaayeen
- Ragga oo ay hortaallo mas'uuliyad oonan horay u jirin, taasoo waqtiga badankiis uu u dhaxeeyo shaqada iyo guriga, halkaasne uu ku waayay waqtigii jimicsiga ama ciyaarta.
- Cunnada oo lagu nasto ama lagu jiifsado, sababtoo iyadoo la daalan yahay ayaa cunnada la cunaa, kadibne waa la jiifsadaa ama TV ayaa la daawadaa, taasi waxay ka qeyb qaadanaysaa in baruur badan jirka lagu keydiyo.
- Xaaska oo si hagar la'aan ah cunnada ugu kariso ninkeeda si ay u qanciso ama uga farxiso iyadoo mararka qaar aanan ka fakarin cunnada nooceeda iyo inay isku dheelli tiran tahay.
- Xaaska oo badanaa soo faragaliso xilliga jimicsiga, taasoo ragga badankood ay sheegeen in hadduu waqti jimicsi soo baxo in howlo kale lagu mashquuliyo ama xaaska oo doorbidayso in lala joogo inta Gym-ka aad aadi lahayd.
Waxay cilmibaarista tilmaantay in raggaan ay badanaa ku faraxsan yihiin noloshooda, niyaddane u dagan tahay, aysan qaaarkood wax dhib ah u arkin qaabka nolosha ay ku jiraan.
Talo:
Caafimaadka wuxuu ku jiraa cunno isku dheelli tiran iyo jimicsi joogto ah, jimicsigaas oo isugu jira lugo-baxsi, ruclayn, xarig-ka-bood ama dabbaal.
Qasab ma ahan in aad Gym-ka aadid, waana muhiim in saaxiibtaada aad isla jimicsataan, taasi waxaad ku helaysaan caafimaad wanaagsan, kalgacalkiinane wuu ku kornayaa.
Akhriso qoraal ku saabsan Sida Looga Hortago Buurnida?: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3014.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3014.0)
Akhriso qoraal ku saabsan Cunnada Isku Dheelli Tiran: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6256.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6256.0)
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)