Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Simaney on November 28, 2016, 05:36:19 PM

Title: Su'aal: Hooyo uur leh oo xanuunsan baan ahay?
Post by: Simaney on November 28, 2016, 05:36:19 PM
As/c warax matulaahi wa barakat, salaan ka dib runtii waan ku farxay markaan pagekiina arkay waxaad umada uqabataan ilaahey ha idinka awaal mariyo, su aasheeyda hadaan bilaawo waxay su aasheeyda tahay hooyo uurleh  oo xanuunsan baan ahay waxaana ka cabanayaa dhabar xanuun joogto ah iyo jirkoo dhan oo ixanuuno marka dhabar xanuunkaan wuxuu igu bilaawdey lix iyo tobanka bishaan ilaa iyo hada wuu ihaayaa waxa kaloo ixanuuneeyso caloosha hoosteeda dhinaca bidixda ah oo sadex beri ka hor ayey igu bilaabatay  marka wax discharge ahna malihi oo hoosteeyda waa qaleel waxaana ahay Second trimester of pregnant, marka dhaqtarkeeyga waan lakulmay wuuna ibaaray oo kaadida iyo dhiig ayaa leeyga baarey waana negative oo wax infection ah malihi marka scan ayaaan beri marayaa asagana wuxuu yiraahdo waan arki doonaaa marka walaal su aasheeyda waxay tahay in aad ig shaafisaan xanuunkaan joogtada ah wuxuu yahay tankale  uurkaan saan uyeeshay halmar xataa mamatagin lakiin waan lalaboodaa oo ilmahayga kale wuu kadubanyahay midkaan lakiin xanuunadaan aan isku arkay, waadna mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Hooyo uur leh oo xanuunsan baan ahay?
Post by: SomaliDoc on December 24, 2016, 11:53:56 AM
Waa muhiim in lagu saaro Ultrasound-ka si loo ogaado waxa jira, midda kale waxaan kugula talin lahaa in saxaradane lagaa baaro haddii ay jiraan wax infekshan bakteeriyo ama wax kalaba, sababtoo ah calool xanuun waa la dareemaa weliba dhinaca bidix qeybta hoose u badan.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.