Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salma Giire on March 14, 2018, 09:25:58 PM

Title: Su'aal: Naaska ayaa i cuncunaayo?
Post by: Salma Giire on March 14, 2018, 09:25:58 PM
Asc Dr wan idiin salaamay maxaa keena in hal naas uu cuncuno wax finan ahna malaha naasku ama canbaar markan xoqana waan macansanayaa xoqniinka ilaa kaga dhiijiyo ibta mudo 6 bil ah bn isku arkayey imika lkn wan ka ladnaaday cuncunkii, sababta ma iiga warami kartaan keeni karta cuncunkaas.
Title: Re: Su'aal: Naaska ayaa i cuncunaayo?
Post by: SomaliDoc on December 16, 2018, 10:08:02 PM
Haddii meesha ku cuncunayso ay tahay ibta naaska, wax nabar iyo dheecanne aysan lahayn waxa ugu badan ee keeno waa cillad loo yaqaano "Atopic dermatitis" oo ka dhalato kor qallaylka, taasi waxaa laga hortagi karaa in saliid lagu subkiyo ibta ama lagu daliigo.

Haddii meesha ku cuncunayso naaska laftirkiisu yahay, barar, danqasho iyo cambaarne uusan lahayn, waxay ka dhalataa diilmaha samaysmo markuu naaska korayo ama maqaarkiisa kala tago khaasatan haddii aad horay u dhashay.