Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xamze Mohamed on March 28, 2017, 11:05:54 PM

Title: Su'aal: Shahwada oo an iga imaanin iyo xaniinyo dikaan?
Post by: Xamze Mohamed on March 28, 2017, 11:05:54 PM
Asc dhaqtar wan idin salamaya dhamanytin  Allah ajir idinka siyo dadalka ad dadkina bukanka ah ugu jirtan inta kadib
 Dhaqtar in muda ah waxan isku arkay shahwada oo an iga imaanin mar mar ayay soracda markan saxaranayo inta waxa ii sii dheer hadeysan saxarada shahwada soo raacin inay igu reebto dhabar xanuun jogta iyo xaninyaha oo idikaamo ima xanun lakin sida dhabarka oo kale mar dhaqtar dhaqatuir badan ayan utagey waxay dhahen wax maqabtid kaninyal un ayay iso qoran qarna guurso ayay dhehen ama galmo samee ee dhaqtar maxan sameya oo ad igula talinaysaa xanunkas ayan daremaya
Title: Re: Su'aal: Shahwada oo an iga imaanin iyo xaniinyo dikaan?
Post by: SomaliDoc on July 05, 2017, 01:29:35 PM
Qaabka laguu hayo waxay u eg tahay caabuqa qanjirka bosotaatada "Prostatitis", badanaa xanuunkaan laguma baraarugo wuxuuna qofka ka sheegtaa dhabar xanuun, danqasho iyo dikaan xiniinyaha ah, shawada oo ku xanuunjiso ama kugu ceshoonto, markaad jiiranayso saxarada oo shahwada iska timaado.

Sababta aan badanaa loogu baraarugin waa iyadoo baaritaananda kaadida, dhiigga iyo sawirka raajada dhabarka oo aan waxba lagu arkin, Talada ugu fiican waa in shahwada laga baaro calaamado infekshan khaasatan markuu xanuunka kugu raago, sidaas ayaa lagu xaqiijin karaa.

Waxaa muhiim ah inaad la xiriirid dhakhtarka ku takhassusay xanuunadaan ee loo yaqaano "Urlogist" ama "Physician" khibrad leh.

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo aad kala xishootay halkaan, waxaad ku soo diri kartaa boggeena Facebook adigoo ka faa'idaysanayo barnaamijka dhakhtarka la sheekeyso. Caafimaad baan kuu rajaynayaa.