Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abumuscab on August 25, 2015, 05:24:17 PM

Title: Su'aal: Maxa Keena Naxdinta badan?
Post by: Abumuscab on August 25, 2015, 05:24:17 PM
SC dhakhartirta sharaftaleh ad ayaad umahadsantahy sida muwadinimada leh ad ugu faidaynysan bulshada waxaan inta badan isku arka naxdinbadan tusale hadii an sanqar maqlo ama mobilka sms iso dhaco wan naxaya mararka qaar markan ad u naxo lugaha aya bakhti ino qonaya oo tamarta aya igu yaraynysa maxay noqon karta arinta dr. mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Maxa Keena Naxdinta badan?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2015, 03:06:43 PM
Waxaan u baahanahay warbixin dheeraad ah in aad iga siiso Naxdinta aad dareemayso.
1- Goorma ayay kugu billaabatay?
2- Wax astaamo kale ma leedahay sida welwelka, hurdo la'aanta iyo murugo ama niyad jab?
3- Ma xilliyo gooni ah ayaa dareentaa oo aad ku jirtid xaalad kacsanaan mise waa joogto?
4- Ma leedahay wax xanuuno kale sida gaastirikada oo kale?
5- Wax dhakhtar ah oo hadda ka hor la xiriirta ma jiraa? ama daawo aad horay u qaadatay?
6- Ma jiraan wax taariikh hore ah oo aad is leedahay cabsidaan way kugu reebtay oo aad la kulantay, dagaal ama dhibaato kale xagga qoyska ama wax kalaba?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan faahfahin jawaabtayda ugu dhiso u helo.
Title: Re: Su'aal: Maxa Keena Naxdinta badan?
Post by: Abumuscab on August 26, 2015, 05:55:45 PM
1. waxan dareemeyey naxdinta dr muda ilaa 5 sano ah.
2.walwel murug,miyad jaba wa jiraan lakiin no more.
3.wa wqtiya kali ah an xalad cadi ah ku sugnahy.
4.maya wax xanuna ah malihi .
5.haa August 2014 aya u tagay dr  baritan guud isku seameyey waxna la iguma shegin naxdinta dr wn ushegaya wuxu yiri wxba Mahan.
6. haa tariikh laga joogo shan sano oo an lakulmay family problem wicitankii faraha badna an ka naxayey iyo xaladakale ayu iga la bilabmay sidaan filayo.
Title: Re: Su'aal: Maxa Keena Naxdinta badan?
Post by: SomaliDoc on August 27, 2015, 12:31:49 PM
Haddii sida aad u tilmaantay ay tahay waa calaamad ka mid ah calaamadaha cudurka welwelka "Anxiety"
Qoraalkaan ka akhriso tafaasiil ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.html)
Waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirtid dhakhtar xagga dhimirka ah si uu tala kaaga siiyo iyo qaabka ugu habboon ee loo xallin karo dhibaatada ku soo gaartay 5 sano ka hor iyo raadka ay kugu reebtay inta ay la egtahay.