Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed-elneny on May 02, 2016, 02:57:20 PM

Title: Su'aal: Avoidanta type, marxaladaan sidee uga bixi kartaa?
Post by: Mohamed-elneny on May 02, 2016, 02:57:20 PM
Nooca Avoidant (Avoidanta Type): Qofkaan waa qof xasaasi ah oo ay dhibayso diidmada, mana jeclo inuu ka qeyb qaato arrin uusan hubin inuu ka qeybgalkiisa la xiisaynayo, Ma jeclo in wax laga sheego, ma jeclo wax ololo ah inuu ka qeyb qaato, isku imaatinka iyo isla shaqeyntu way dhibaysaa, ma hadal badno maadaama ay ka cabsadaan inay sheegaan wax lagu qosli doono ama lagu caayi doono, dadka hortooda ayay si sahlan uga oyn karaan, aad ayayna u dhibsadaan in wax laga sheego oo inay kula dagaallamaan ayaa dhici karto, dadka noocaan ah badanaa ma lahan xiriir ka baxsan kan qoyska inkastoo ay ku fakaraan mar walba inay xiriir la yeeshaan dad kale, qofkaan badanaa ma fahmaysid dabcigiisa maadaama uu wax walbo ka fogaado laakiin waa nooc aad u adeegsado baraha bulshada maadaama aan loo jeedin, qofkaan haddii aad la kulantid ha dacaayadaynin waxaa dhici karto in aad ka nasan waysid...........


marxaladaan in aan ku jiro ayaan dareemay marka sidee isaga badali kraa
Title: Re: Su'aal: Avoidanta type, marxaladaan sidee uga bixi kartaa?
Post by: SomaliDoc on May 22, 2016, 07:31:09 PM
Adiga ma ogaan kartid in aad kooxdaan ku jirto sababtoo ah dadka cilladahaan qabo ma aaminsano in ay cilladahaan qabaan, laakiin dadka kale ayaa fahmi karo, waxaad ku ogaan kartaa in aad waraysatid qofka kuugu dhaw dadka in dabcigaan kaaga marqaati kaco ama dhakhtar u tag.