Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaaburi on February 28, 2011, 10:28:30 PM
-
scw
walal waa idin salamay salaan kadib ,walalayaal waxaan rabaa in aad iiga soo jwbtaa su,aasha tani hadey idiin suurta gasho insha allaah idinkoo mahadsan
wallal ,da,deydu waa 24 jir waxaan isku arkay markii aan kaadiyo oo aan is dhaho markaan suliga waad ka dhamatay , oo aan soo baxo 2 minid kadib ama 3 minid of 4 minid waxaa iga timaado kaadi yar , wax xanuun ah aan dareemo majirto hadey ahaato xaniin yaha ama guska intaba xanuun kama dareemo , oo waan ka fiicanahay hamigu igu ma yaro micnaha dareenkeygu ma xumo xaga galmada , marekey kaadida imaneyso mar qura ayee wax yar soo daadataa . waxaana isku arkaa inta badan fadla iiga soo jwba arintaa oo tafatiran iyo wax talo ah ama aan ku dha qaaqi lahay
waadna mahadsantihiin
-
Kaadida aan ka soo dhamaan kaadi-heesta amaba istaagto oo qofka ku dhagto waa xanuun ku dhaco da' kasta waxaana keenana sababo badan oo ay ka mid tahay in afka kaadi-heesta ama ibta ay xirantahay ama cariiri ay tahay.
Ama in cadaadis banaanka uu ka saaranyahay ibta sida qanjirka ragga oo barara.
Ama in neerfaha quudiyo murqaha xukumo kaadi sii dyenta iyo celista ay xanuunsanyihiin.
Kaadida oo qofka ku dhagto ama ku kala go'do ama ka daadaadato markii aad is tiraahdid waad dhamaysatay waa cudur u baahan daaweyn dagdag ah maxaa yeelay kullamaa kaadida ay ku harto kaadi-heesta waxay u nugushahay caabuq ku dhaca ama in kaadida ay dib ugu noqoto kilyaha.
Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan qaar ka mid ah waxyaabaha keeno kaadi ku dhagga.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1865.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1865.0.html)
SomaliDoc