Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan-Deeq on January 16, 2012, 03:32:26 AM

Title: Su'aal: Roqoro/Burooyin yaryar oo xaniinyaha kasoo baxa ma cudurbaa ?
Post by: Hassan-Deeq on January 16, 2012, 03:32:26 AM
Asc wr wb dhamaan Bahda somalidoc.com shacab iyo doctorska intaba
salaan kadib.
walaallahayga doctorska ah ee sharafta badanoow waxaan isku arkay burooyin yaryar oo xaniinyaha dushiisa iiga soo baxay runtii xanuun gooni ah iguma hayaan balse waxaa dhib iga haystaa markaan shicirta/timaha hoose iska nadiifinayo sababtoo ah anigu ma isticmaalo creamska loogu talagalay oo waxaan ka baqaa in ay saamayn ku yeeshaan raganimadayda maadaama chemics laga sameeyay waxaan iska isticmaalaa qaababkii hore marka hadii burooyinkaas mid kamid ah dhaawac gaaro waxaa soo fara baxsanaya dhiig fara badan oo tifiq tifiq dhaha sidii tubo aan toos loo wada furin  oo kale kaasoo mararka qaar argagax igu beera markay waqti badan igu qaadato joojintiisa marka ma cudurbaa oo ma wax daawo iyo doctor u baahanbaa  mise waa wax iska normal ah oo ragoo dhan ila wada qabaan ? bal arinkaas iga soo jaahil bixiya kheyr allaha idin siiyee waana ku mahadsan tihiin sida hagar la'aanta ah ee shacabka somaliyeed ugu faa'idaysaan.
Title: Re: Su'aal: Roqoro/Burooyin yaryar oo xaniinyaha kasoo baxa ma cudurbaa ?
Post by: SomaliDoc on January 28, 2012, 11:56:42 PM
Tilmaanta aad bixinayso waxay u egtahay roqor ama honqor sida dadka qaar u yaqaanaanba, roqorta waxaa keeno fayras, waxay noqon kartaa mid dhib leh ama mid aan dhib lahayn waxaana ogaan karo kaliya dhakhtar maqaar, daawo loo qaatoo oo baabiso ayaa jirto qaarkoodna qalliin ayaa lagu sameeyaa.

roqorta qaar waa qatar oo waxaa lagu kala qaadaa galmo oo waxaa keeno fayras loo yaqaanno HPV oo aan daawo lahayn.

halkaan ka akhriso qoraal hore oo roqorta ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html)