Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamuud115 on July 28, 2015, 05:45:24 AM

Title: Su'aal: daawada TB da waxan ku ku laqaa casiir dhib ma keenaa?
Post by: Maxamuud115 on July 28, 2015, 05:45:24 AM
daawada TP da markaan cuno aroorti  laba saac kadib  ayaan cunta cunaa   daawadana  casiir ayaan ku laqaa casiirkaas dhib makeenaya ?
Title: Re: Su'aal: daawada TB da waxan ku ku laqaa casiir dhib ma keenaa?
Post by: SomaliDoc on July 28, 2015, 10:16:58 AM
Waxaan kugula talin lahaa in aadan daawada ku cabin casiir-ka ama shaaha ma ahan kaliya daawada tb-da, maxaa yeelay waxaa la ogaaday baaritaanno la sameeyay in casiirrada qaar ee yareeyaan ka faa'idaysashada daawooyinka qaar.
Casiirrada daawooyinka ka hortaga waxaa ugu caansan casiirka liin bambeelmada, oranjada, tufaaxa iyo cinabka.
Caanaha iyo shaaha cagaaran iyagane daawooyinka qaar way saameeyaan.

Taladayda waa in aad biyo caadi ah ku cabtaa daawo kasta oo laguu qoro.