Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Iraado Macalin on October 15, 2016, 03:28:37 PM

Title: Su'aal: Biqlinta iyo radinta miraha /Soak & Sprout Nuts & Seeds?
Post by: Iraado Macalin on October 15, 2016, 03:28:37 PM
asc Doc: waxaan rabaa inaa wax ka ogaado faa'iidada  caafimaad u leeyihiin hadii la radiyo ama la biqliyomiraha / Soak & Sprout Nuts & Seeds. Mase lee yihiin dhibaato caafimaad,anag Soomaali hadaan nahay ma radino Digirta, Heeda ama misirtaba intaan la karin ka hore waxaan youtubeka ka arkey ayadoo la biqlinaayo oo  geedkii soo baxey la dhahaayo wuxuu u roon yahay xanuuno badan. hadaba arintaan maxaa ka jira si fiican iigu faahfaahi
 
Title: Re: Su'aal: Biqlinta iyo radinta miraha /Soak & Sprout Nuts & Seeds?
Post by: SomaliDoc on October 26, 2016, 06:30:30 PM
Waa la wada ogyahay in miraha cunnada aan ka dhigo inay  xambaarsan yihiin caafimaad badan, haddii sidooda lagu cuno ama biyo lagu kariyo waa isla faa'idadii, inkastoo la yiraahdo waxay fiican tahay iyadoo dab la marin.

Sababta loo bilqinayo miraha ma ahan in lagu jilcinayo kalia ee waxaa laga dhaqaa maaddada loo yaqaano 'phytic acid' oo haddii aan laga bilqin keeni karta inay hor istiaagto kaa fa'idaysiga nafaqada uu miraha xambaarsan yahay.

Midda kale, dadka sidaan u isticmaalayo waa dada badanaa aan cunno ahaan wadamadooda looga isticmaalin mirahaan, laakiin caafimaad ahaan u bilqiyay, biyo la dhigay, kadibne dhalooyin ku shubtay kuna xaraystay faranjeerka si ay daawo ahaan u adeegsadaan.