Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Almis on June 19, 2017, 01:27:40 AM

Title: Su'aal: Ma jirtaa daawo natural ah oo biyo-baxa degdega ah?
Post by: Almis on June 19, 2017, 01:27:40 AM
asc  and raamadan karim dhamaan bahda somali medical forums

waqti danbe wax suuqayda yurub iyo dhamaan suuqyada  dalki somaliyeed kuso badanaya daawo chimic ah oo  isticmala dadka qaaba ama ka kawda Premature Ejaculation ama  biyaha deg deg ah taasi oo ka caaawinaysa ine aye siiyo waqti dheerade ah uu guuto xajaadisa gaalmo.hadaba dictor hadigo experience iyo aqoonta dictornimo kashanaya wax jeceylahye ine ade no sheegto dhibta aye keeni karto daaawadasi cafimadka qof ma jirta cuuno ama fruit ama dhiirta dhulka somaliyeed ka baxda oo buuxune karta boosta daaawa mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Ma jirtaa daawo natural ah oo biyo-baxa degdega ah?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2018, 06:12:32 PM
Walaal, ma jirto illaa iyo hadda daawo u gaar ah biyo-baxa degdegga ah oo afka laga qaato ama la isku duro, laakiin waxaa jiro daawooyin aan iyada toos shaqo ugu lahayn laakiin loo qaato cillado kale oo keeni kara biyo-baxa degdegga ah waxaa ka mid ah daawooyinka welwelka iyo niyad-jabka, sidoo kale daawooyinka kacsiga kordhiyo. laakiin qaababka ugu badan ee arintaan lagula tacaalo waa farsamooyin lagu xakamaynayo in dareenka la dhimo si biyo-baxa u dib dhaco iyo in la qaato daawooyin kabuubiyaal ah oo maqaarka xubinta lagu buufinayo si dareenka u yaraado.

Marka qof walboo ka cabanayo arintaan isku talo lama siiyo, qofba mid ayaa wax ka tarto, midda kale daawada aad i waydiisay waxyeelladeeda waxaa haboon inaad daawada ii sheegtid marka hore si aan kuugu sheego waxa ay tahay marka hore kadib ayaa dhibkeeda iyo dheefkeeda ayaan talo kaa siin doonaa insha'llah.