Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muna O.Hamari on October 24, 2018, 08:33:38 AM

Title: Su'aal: Cillad Aan Ka Dareemayo Nervaha Dhabarka?
Post by: Muna O.Hamari on October 24, 2018, 08:33:38 AM
 :'( Assalamu Calaykum
Dr Aad Ban Ku Salaamay
Waxaan Ila Soo Dersay Xanuun Maskaxda Dhinaca Midig Waliba Muddoo imika Sannad iyo 9 bilood Wuxuu Igu Bilawdey Anigoo Umulan 45 Cisho Ayaan Ku Noqdey Goobtii Shaqada Waxaan Ku Shaqeynayey Laptop, Mobile iyo Projector Week Markaan Shaqadii Ku Jiro Islamarkaan Aanan Helin Nasiino Ilmaha yarns Feeding kiss ii socoto habeenkiina Report Ka Ku Qoro Qolka Oo Madaw Baa Madax xanuun zaaid ah igu bilawdey Markii Danbe Nerve yaasha I Xanuuna Aragtidii waan dhibsadey Nuujintina waan dhibsadey Dhakhtar Ka Indhah u Tagay Wuxuu Ii sheegay inay cilado Indhaha ahayn Balse tahay Nerve Wuxuuna igu yiri Jooji Isticmaalka Laptop Mobile iyo TV ga Wixi Shaashad ah Naso..
Hal Malin ban qaatay Dawadi Wey IGA xoog badisey Ma qaadanin mar danbe waayo Shaqadii Fasax layma ogoleyn
Muddo waxaa ugu soon kordhey Dhegta midig oo I guuxeysa
Hadda August 2018 Dr Ukraine u dhashay oo ENT Ku takhsusay baan u tagey Wuxuu check gareeyey dhegtii Wuxuu ii sheegy ciladu dhegta ahayn
Balse inay tahay Nervaha Dhabarka uu Cildaasi Soo Wato Irbadu ii qorey oo Germany u dirsanyo Se ma dirsan
Dhabarka hadda Ka hor shil gaadhi baan Ku galay khaliijka anigoo yar waxa lay sheegay inaan dhabarku dhaawac jiro muddo dheer Ka dib markaan labo caruura ah umul baan dhakhtar lafaha oo Mogadishu joogo La kulamy sawiro Ka dib Wuxuu ii sheegay in lafaha yar yar ee riciraha ee fiiqfiiqan inay igaba maqanyihin lafteyduna sawirkii si wacan u arkay
Haddaba su,aasheydu ma Dhaawacii dhabarka ciladaasi wada oo Waliba dhakhaatiirtu igula taliyeen inaan xaalkasi kuba dhali Karin..

Dhegtu wey I guuxaysaa dhabarkuna way xanuunayaa oo aad baan Nervaha Ku jira ii dhibayaa ilaa margiyaha ilaa qeyb maskaxda midig


I caawi dhakhtarkee igu haboon
Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Cillad Aan Ka Dareemayo Nervaha Dhabarka?
Post by: SomaliDoc on March 19, 2019, 09:32:40 PM
Walaal dhakhtarka kugu haboon waa "neurologist", sida aan ka fahmay cabashadaada, adigoo dhabarka ka jiran oo hadane umul ah oo cunug nuujinayso ayaad shaqo culus ku gashay, subaxiina shaqo ayaad aadaysay, habeenkiina nuujin iyo report ayaa diyaarinaysay, taasi waxay keeni kartaa laba cilladood, mid waa dhinaca dhabarka oo fadhigaa badan culeys ayuu saarayaa dhabar awal u jiranaa, taasina waxaa la socon karo qoor xanuun, madax xanuun, margiyaha oo togtogma, kabuubyo jirka ah, midda labaad waa madax xanuun, daal wato, ifitiinka oo ku dhibo, kabuubyo wajiga ah, dhegah oo ku guuxo, taasina waxaa sii kordhin karo hurdo la'aanta marka waxaad u baahan tahay in safiican laguu waraysto, laguuna wiisiteeyo kadibne daawo iyo nasiino aad isku heshid. Allaha ku caafiyo.