Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamiila on February 16, 2015, 02:26:35 PM
-
asc dhamaan dhaqatirtena qaali ah waa ku mahadsan tihiin sida wanagsan oo aad ugu jawaabtan su,aalaha thanks alot
su,aasheyda waxey tahay xabada ayaa ii axanuun lkn ma ahan xabadka oo dhan ee waa naaska bidix iyo dhuunta inta u dhaxeysa waye hadii aan gacanta ku riixo xanunka waxaan ka dareema lafta mana ahana wax joogta ah oo marwalba ii xanuuna, xanunka xabadka waxaan saa.iid u dareema markaan qubeysto oo kale , hada ka hore ayaa gaas liga helay waxaan qadan jiray dawada gaas waa ku fiicnaaday ilaa hadane waa qataa , sidoo kale waxaa ii xanuuno feeraha waxaad mooda sida qof xamaali ahaa oo wax culeys ah qaaday oo kale waxaan leeyahay deeco badan oo mararka qaar waxaad mooda deecada iney igu xirmeyso oo kale xoog ayaan iska kaga keena sidoo kale
markuu gaaska ugu kacsan yahay dhuunta wax sida dhagaxa oo kale ah ayaa ii so istaagayo , walow aad horay ugu hadasheen xabad xanuunka iyo feeraha lkn aniga kan ii haayo waxaan mooda inuu ka duban yahay xoogaa/ insha allah waxaan rajeynaa inaad fahmi doonta qoralka, thanks
-
Fadlan xanuunada xabadka ku dhaco way tiro badan yihiin laakiin waxaa lagu kala sooci karaa astaamo cudur kasta u gaar ah ee fadlan qoraal akhriso ee ka faaidayso waxa uu xanuunkaaga u eg yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html)
Kadib dhakhtar la xiriir si lagaaga shakki bixiyo, hadduu jirane daawo lagaaga qoro.
Midda labaad gaaska wuu keenaa xabad xanuun iyo wadna garaac labadaba, xabad xanuunka gaaska wuxuu ku aadan yahay lafta sakaarta loo yaqaano ee xabadka isku heyso lafaha feeraha, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunada gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.