Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdikani on April 09, 2011, 03:00:01 PM

Title: Su'aal: faruryaha afka aya idildilaca marwalbo?
Post by: Abdikani on April 09, 2011, 03:00:01 PM
faruryaha afka aya idildilaca marwalbo waxana mariya vaseline marmarka qaar markan kadaayo marinti vaseline way idilacayan qolfo aya kakaco ana marabo marwalbo inan isticmalo vaseline marka dr maxad igula talin lahayd in ansameyo
Title: Re: Su'aal: faruryaha afka aya idildilaca marwalbo?
Post by: SomaliDoc on April 11, 2011, 06:52:58 PM
Faruuryaha oo dildillaaca oo qolfoof yeeshaan "Cheilitis" waa xaalad ka dhalato markii faruuryuhu qallaalaan kadibna dillaacaan maxaa yeelay badanaa faruuryaha waxaa dulsaaran xuub yar oo dufan leh oo eebbe ugu talagalay in uu subkiyo faruuryaha, haddii xuubkaas la waayo ama laga qaado faruuryaha ayaa dhibkaan la arkaa.

Calaamadaha:
Calaamdaha faruuryaha dildillaaca waxaa ka mid ah: faruuryo qalleel, barar, jeexjeex yar, dubka oo ka fiiqmo.
Haddii dildillaaca uu weynyahay faruuryaha way dhiigaan xanuunne way keenaan.

Sababaha:
Faruuryaha oo jeexjeema wax badan ayaa keeni karo laakiin waxaa ugu caansan faruuryaha jeexjeexmo xilliga qaboobaha.
Waxyaabaha kale ee caanka ah oo faruuryaha dillaaciya waxaa ka mid ah caadada faruur leefleefka taasoo xuubka dufanka leh ka qaaddo.

Daaweyn:
kareemka batroolka ka samaysan sida faasaliinta ayaa ah daaweyn ku meel gaar ah.
Dheecaannada wax burburiya ee calyada laga helo "enzymes" ayaa qaar waxay dhaawac u gaystaan faruuryaha oo dildillaaciyaan, taasne waxaa looga taxaddari karaa oo lagu daweyn karaa in aad joojisid haddii aad leedahay caadada faruuryaha in la leefo.

Guri Ku Daaweyn:
Malabka waa daaweynta ugu fiican oo lagu daaweeyo faruuryo jeexanka, waa in faruuryaha la mariyo maadaama malabka uu subkayo uuna leeyahay maaddo la dagaallanto bakteeriyada.

Ka hortag:
Iska ilaali in aad cabto biyaha aashitada leh ama biyaha aad u qabow maadaama ay dhaawacaan faruuryaha.
Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadato waxaa laga yaabaa in ay keenaan faruuryo dillaaca.
Title: Re: Su'aal: faruryaha afka aya idildilaca marwalbo?
Post by: Abdikani on April 11, 2011, 09:51:49 PM
thank you doctor ilaahay hakaa awaal mariyo