Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Emmy.anin on August 20, 2015, 07:58:32 PM

Title: Su'aal: Coffee cabitaankiisa dhibaato ma leeyahay?
Post by: Emmy.anin on August 20, 2015, 07:58:32 PM
Walaal waxaad wax iga sheegta dhibaatooyinka uu leeyahay Coffee ga cabitaankiisa?
sidoo kale sideen iskaaga jojinkara?
Title: Re: Su'aal: Qaxwada iyo Caafimaadka
Post by: SomaliDoc on August 21, 2015, 01:38:36 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qaxwo.png)

Kafeyga "Qaxwo" waxyaabo badan ayay dadka ka sheegaan inuu wadnaha uusan u fiicnayn, inuu korriinka lafaha uu yareeyo, inuu kansar keeno iyo waxyaabo badan, laakiin waxaan rabaa in aan halkaan ku soo aruuriyo wixii ka soo baxay dhowr cilmibaaris ee lagu sameeyay kaffayga.

Cilmibaaris mardhaw soo gabagabowday oo lagu diraasaynayay xiriirka ka dhaxeeyo xanuunada kansarka, wadna xanuunka iyo kaffeega waxaa lagu sheegay in wax xiriir ah haba yaraatee aan lagu arkin.
Waxay kaloo cilmibaaristu dib u eegtay warbixinnadii hore ee sheegay in wadna xanuunka iyo wadna istaagga uu keeno caffeega badan oo la cabo in aan sal xoogan aynan ku taagnayn, maadaama la ogaaday dadka baaritaanada lagu sameeyay waxay u badnaayeen dad sigaarka cabo iyo dad xafiisyo ka shaqeeyo oo aanan jimicsi samaynin, labadaas arrin oo la hubo in wadnaha aysan u fiicnayn ayna dhici karto in cilladahaas ay ka qeyb qaateen wadna xanuunka laakiin caffeega uusan ahayn cillada!!

Cilmibaaris kale oo la sameeyay waxaa lagu ogaaday in kaffeeyga uu u roon yahay dadka qabo xanuunka xasuusta lumiya ee Parkinson Disease (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2393.0.html), macaanka nooca labaad "type 2" (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,623.0.html) iyo beer xanuunka iyo yaraynta diiqada iyo welwelka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,878.0.html)!.

Waxay kaloo labadaas cilmibaarisba ay xoogga saareen in kaffeyga uu dhib yeelan karo haddii:
1- Haddii aad loo cabo kaffeega aanan filtration lagu samaynin (saafiga ahayn) (sida nooca espresso iyo kan sida shaaha oo kale loo kariyo), waxaa la arkay noocaan inuu kolestaroolka uu siyaadiyo wadna xanuunkane qaabkaas uu ku keeni karo.
2- Hadduu qofka qabo ama ku dhashay cillad hoos u dhigaysa shiidista iyo ka takhalusidda caffeega jirka waxay keeni kartaa markaas wadna xanuun.

Sidaas awgeed maadaama coffeega oo la badsado uu keeni karo wadna garaac, hadduu qofka cillado kale oo wadnaha dhib gaarsiin karane ay jiraan, taladu waa in aad yaraysaa cabidda kaffeeyga haddii aad caafimaad qabto, laakiin haddii aad wadna xanuun qabto waa in aad ka fogaataa cabidda kaffayga.
HALKAAN KA AKHRISO HALISTA IYO ASTAAMAHA WADNA QABADKA (HEART ATTACK) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html)

Haddii aad su'aalo dheeraad qabtid ama faahfaahin u baahan tahay ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)