Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ayanle Yare on June 13, 2018, 01:29:46 PM

Title: Su'aal: Shakki xanuunka Tb-da?
Post by: Ayanle Yare on June 13, 2018, 01:29:46 PM
Asc dhakaatiirta ka hawlgasha boga
salaan ka dib su'aasheydu waa su'aal aad shaki igaga jira in uu Tb i hayso iyo in kale?
Calaamada aan isku argay waxa ka mid ah
1 - qufac = hadaan ka hadlo qufaceygu waa mid aan joogto aheyn yacni labadii cisho dhawr mar ayaan qufacaya. waa qufac qalalan aan dhiig laheyn lknse leh xaako madow oo adag
2- laab-xanuun = inta badan laabtu waxay i xanuunta markaan qufacayo iyo marka aan hindhisayo lknse marmar dhif ayey iskagay xanuunta
3-caato =  waxaan isleeyahy caatudu iguma keenin TB waa hayday i hayso sababtoo ah caataudu waxa ay isoo haysay ilaa 9 sano wax dhibaata ah kuma qabi oo cunta badan ma cuno
waliba waxyaabaha caatada igu keeni waxa ka mid inaan ilaa 3 sano aan siigaysanayey
4= feedho xanuun=  waxaan isleeyahy waxyaabaha kugu keenay ma siigada aad siigeysanyey 3 sano oo imika markaan iska daayey laga jooga labo bilood mise waa TB
 
NOTE - Diktoore waan akhrisaday casharda aad soo dhigteen ee ku  saabsan TBda iyo SIIGEYSIGA
PLZ jawaab intaa ha igaga dhigan ee talooyin ku saabsan su'aasheyda jawaabteeda iyo in uu i hayo xanuunka TBDa
calaamadahan iskuma arkin diktoore la soco
1-- dhidid habeenkii ah
2-- dhiig qufacid
 
      JAWAAAB WACAN RAJEYNAYAA INZH'ALAAH

Title: Re: Su'aal: Shakki xanuunka Tb-da?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2019, 10:42:32 PM
U malayn maayo TB, sababtoo ah qufaca xaako ayuu yeelan lahaa, 9 sano qof TB iskala noolne ma jiro, marka waxaa haboon inaad dhakhtar u tagtid si laguu baaro loona ogaado waxa jira, halkaan ka akhriso xanuunada lagu qaldo TB-da: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=649.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=649.0)