Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dawiil on June 14, 2018, 01:50:41 PM

Title: Su'aal: Gabadhaad Guursan rabtay oo laga helay Cagaarshow?
Post by: Dawiil on June 14, 2018, 01:50:41 PM
Asc  Dr waakaaga mahad celinaa howshaada

Gabar iyo Wiil ayaan isku fahmay Guur  baaritaan kadib waxaa laga heyay Gabadhii Cagaarshow Nuuca B

arintaas ayaan laga walwelay walina arinkii wuu taagan yahay oo go,aan laguma qaadan inlabaajiyo Guurkii

Dr Maxey tahay Taladaada maadaama Cudurkaan uu ku faafo dheecaanada isu gudbo
Title: Re: Su'aal: Gabadhaad Guursan rabtay oo laga helay Cagaarshow?
Post by: SomaliDoc on December 31, 2018, 11:55:46 PM
Haddii gabadha ay qabto cagaarshowga firfircoon oo faafayo waxaa habboon in guurkaas laga talo baxo ama ugu yaraan in la baajiyo inta daawo laga siinayo, haddiise uu yahay nuuca raaga, iyaduna ay xambaare tahay, ninkeeda tallaal ayaa la siin karaa si loo yareeyo jaaniska xanuunka ay ku gudbin karto, sababta sidaas loo sameynaayane waa xanuunkaanoo bulshada ku badan, mar walbane go'aanka kama dambaysta ah wuxuu u yaallaa lamaanaha waxay go'aan ku gaaraan, hadduusan wiilkaan guursanne qof kalaa guursan doono uun, gabadha guur la'aan joogi mayso.

Faahfaahin ku saabsan xanuunkaan iyo siyaabaha loo kala qaado ka daawo video-gaan:
https://www.youtube.com/watch?v=HfLN5PVkF0s (https://www.youtube.com/watch?v=HfLN5PVkF0s)