Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: eng.yahye on February 27, 2016, 04:50:42 PM

Title: Su'aal: Ruuga ama Jilibka ayaaa waxa ka gala Biyo?
Post by: eng.yahye on February 27, 2016, 04:50:42 PM
ASC DR:
Waxa jira xanuun hooyaday la ildarnyd muddo 2 sano ku dhaw,, Ruuga ama Jilibka ayaaa waxa ka gala Biyo Midabkoodu Yallow yahay, Dhakhaatiirta biyaha ayay Siliinge kaga qaadan kadibna daawoyin ayay siiyaan kadibna 20 cisho kadib ayuu dib usoo samysmaan biyahaasi, Hooyo waxay dareentaa Xanuun meelaha JOINTS ka oo dusha ka damqada, markaa DR wax talo ah,,
sidoo kale calaamadahaas ma yeelan kartaa TP laftu ?

Mahadsanid

Title: Re: Su'aal: Ruuga ama Jilibka ayaaa waxa ka gala Biyo?
Post by: SomaliDoc on March 03, 2016, 03:15:54 PM
Biyaha galo jilibka waxaa loo yaqaanaa xaaladaas "Knee Effusion" waxaana keeni karo xanuuno kala duwan, waxaana la sameeyaa markii biyaha laga miiro in biyahaas baaritaan loo diro, maxaayeelay haddii aan la ogaanin cillada saxda ah ee keenay in jilibku biyo galaan, way soo laaban doonaan.
Waxa keeni karo infekshan bakteeriyo caadi ah, Tb-da kalagoyska, xanuunka roomaatiska iyo riixa, xanuunka Gout-ka iyo xanuuno kale oo ku dhaca kalagoyska.

Waa muhiim in la baaro dheecaankaas la miirayo oo loo yaqaano "Synovial Fluid".