Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on December 08, 2012, 02:33:34 AM

Title: SU'AAL: XANUUN DHABARKA?
Post by: GEEDOOW on December 08, 2012, 02:33:34 AM
ASC WR WB .
SALAAN KA DIB .
WAXAA I XANUUNAYA DHABARKA , IYO DHEXDA AMA ARAXDA , IYO FEERAHA HOOSTOODA IYO XABADKA HOOSTIISA DHANKA DHEEFSHIIDKA , HAWADA QAADASHADEEDA OO IGU YAR OO AAD MOODAA INAAN CABURMAAYO GARAACITAAN BOGA AH SIDA WADNAHA OO KALE OO U GARAACMANAAYO , KAADIDA OO AAN POWER LAHAYN OO AAN XOOG ISAGA SOO SAARO .
TAKHTARKA MARKAAN U SHEEGAY ISAGOON KAADI IYO DHIIG UUSAN IGA QAADIN AYUU II SOO QORAY DAAWOOYINKAAN
ECOFENAC CR 150 .
PANTOPRAZOL SPIRIG 40 .
TAMSULOSINE-MEPHA
SADEXDAA DAAWO AYAA LA II SOO QORAY WAXAAD MOODAA INEEY ARINTEEYDA SOO HAGAAGEEYSO , LAAKIIN WAXAAN RABAA INAAN OGAADO XANUUNKAAS WUXUU YAHAY OO FAAHFAAHSAN IDINKOO MAHADSAN .
Title: Re: SU'AAL: XANUUN DHABARKA?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2013, 09:57:06 PM
Takhtarka calaamadihii aad ka cabanaysay ayuu kaa daaweeyay.
Daawada koowaad waa "Diclofenac", xanuun baabi'iye
Daawada ku xigta waa daawo gaas calooleed.
Daawada sadaxaad waxaa la siiyaa dadka qanjirka prostate-ka uu bararo.

Qaabka laguu daaweyay darteed iyo adigoo baaritaano lagugu samaynin, ma sheegi karo xanuunka ku hayay kee ayuu ahaa mise labadaba waad isku qabtay.
Title: Re: SU'AAL: XANUUN DHABARKA?
Post by: GEEDOOW on January 03, 2013, 12:11:09 PM
WALAAL WAAD MAHADSAN TAHAY SIDA WANAAGSAN EE AAD IIGU SOO JAWAABTAY , JZK KULUL KHEYR.
HADAAN ARINTAAN U SOO NOQDO MARLABAAD MEELIHII I XANUUNAYEY AYAAN U SHEEGAY TAKHTARKEEYGA SIDAAN HOREYBA AAN IDINKUGU SOO QORAY AMA  SHEEGAY IYO IN EEY KAADIDU YAR TAHAY SOCODKEEDUNA UUSAN TABAR LAHAYN , LAAKIIN XANUUN GAAR AH OO AAN ISKU OGAA OO AAN MAGACAABAY MAJIRIN . LAAKIIN CALAAMADAHAAN AYAAN U SHEEGAY LAAKIIN XANUUNKAAS PROSTAATADA HORAAN ISAGA DAAWEYN JIRAY OO ISAGAABA TAKHTARKEEYGA AH OO DAAWOOYIN II QORI JIRAY , LAAKIIN CALAAMADAHAAN ISWATA UNBAA IGU CUSBAA , HADDA DAAWOOYINKII WEY IGA DHAMAADEEN WAXAANA MOODAA IN XANUUNKA UU SOOYARA KACAAYO , MAALMIHII DAAWADA AAN BILAABAYEY WAXAAN U EKAADAY IN AAN SOO WANAAGSANAANAYO MEELEEY WAX KA KHALDAMEEN MA AQAAN HADDA EE MAXAAD IGULA TALIN LAHEYDEEN DHAMMAANTIIN .
Title: Re: SU'AAL: XANUUN DHABARKA?
Post by: SomaliDoc on March 05, 2013, 12:28:13 PM
Waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirto takhtarkaagii hroe maadaama xaaladaada uu la socday, markaasne aan aragno in baaritaan laguu diro iyo in daawada laguu kordhiyo.

Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa.