Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Princejeyte on July 05, 2018, 07:00:52 AM

Title: Su'aal: Heer kulka jirka oo sareeyo iyo dhidid badan?
Post by: Princejeyte on July 05, 2018, 07:00:52 AM
Salaan kadib
Aroorti markaan tooso, qofka ugu horeyo ee aan salaamo wuxuu i leeyahay kululidaa? Micnaha heer kulka jirkaagu wuu sareeyaa
Maalinti hadii aan shaqo qabanayo waan ka dhidid badanahy dadka kale ee ila shaqaynaya

Marka aan kaligeey socdo xitaa lugaha iyo gacamaha waxaan uga dhididaa si qof walba uu dareemi karro

Waxaa la mid ah marka aan wax qorayyo, hadii aanan warqada aan wax ku qorayo aanan iska xejin marro ka celiso qoyaanka weey halaabeysaa warqadaas

Su'aashu waxeey tahay labadaan marxaladood ee heer kulka jirka oo sareeyo iyo dhididka badan ma xiriir ayay leeyihiin, Sidee ayaan loo daaweyn karaa?
Title: Re: Su'aal: Heer kulka jirka oo sareeyo iyo dhidid badan?
Post by: SomaliDoc on January 08, 2019, 08:07:25 PM
Kuleelka iyo dhididka waa laba arrimdoo oo aan badanaa kala harrin, Alle wuxuu ugu talagalay dhidika in jirka lagu qaboojiyo, laakiin haddii ay arintaan joogto kuu noqotay, awalne aadan isku arki jirin waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si laguu baaro, cillado dhif ah ayaa arintaan keeni karto taasoo ugu horayso cillada thyroid-ka kacsan, faahfaahinta ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1443.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1443.0)