Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zaki7 on April 18, 2015, 10:07:48 AM

Title: Su'aal: Miir beelid dumar galmada kadib ama gudahed?
Post by: Zaki7 on April 18, 2015, 10:07:48 AM
Asalamu calaykum, Salaan kadib wll waxan idin waydinaya  dumarka aadka u kacsiga badan oo  suuxa xiliga galmada socoto ama kadib maxa keena, khatar teeda intee la eg tahay, maxaase u daawa ah dadka noocaas ah .
Mahadsanidin.
Title: Re: Su'aal: Miir beelid dumar galmada kadib ama gudahed?
Post by: SomaliDoc on April 20, 2015, 02:24:42 PM
Waa arrin dhacda, waxayna ku badan tahay dumarka.
Caafimaad ahaan wax dhib keeni kara ma ahan, hadduu qofka uusan wax xanuun ah horay u qabin sida wadna xanuun oo kale ama cilald xagga sambabada ah ama ciriiri xididada maskaxda dhiigga gaarsiiyo.

Way dhacdaa in qofka uu miirdaboolmo muddo kooban oo 1 illaa 3 daqiiqo ah xilliga galmada lagu guda jiro ama markay sii dhamaanayso waxa keenana waxaa loo saariyaa isku dheellitirnaan hawada oksajiinta iyo hawada karboonta maadaama qofka aad u neefsanayo, neefsi isku xigxiga oo aan kala joogsi lahayn, tani waxay keentaa in oksajiinta uu maskaxda ku yaraato.

Laakiin waa muhiim hadduu qofka isku arko miir daboolmis xilliga galmada in uu takhtar la xiriiro si loo ogaado in ay dabiici tahay iyo in cillad ay jirto qofka u qarsoon.
Title: Re: Su'aal: Miir beelid dumar galmada kadib ama gudahed?
Post by: Zaki7 on April 23, 2015, 09:15:34 AM
Mahadsanid walal   qofka nocas ah maloo gayn karaa dakhtar guud  mase waxa jira takhatir khaasa oo hawshas qaaabilsan
Title: Re: Su'aal: Miir beelid dumar galmada kadib ama gudahed?
Post by: SomaliDoc on April 25, 2015, 01:34:55 PM
Dhakhtar guud u gey inta aan kuu sheegayba wuu ka baari karaa, hadduu isaga uu arko cilald u baahan in uu la kaashado takhtar kale isagaa ku hagi doona insha'llah.