Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abwaanada88 on April 23, 2015, 01:04:36 PM

Title: Su'aal: Jirka oo jiljilcan, cayilna aan ahayn ma cudur baa?
Post by: Abwaanada88 on April 23, 2015, 01:04:36 PM
runti waxan ad u jeclaan lahaa in an fahmo sababta kugu kenta qof rag ah oo jirkiisa jiljilcan hadana mahan qof sa'id u cayilan wa mel dhexaad  taasi ma cudur sababtaas keeno ayaa jiro misa qofkaaas waxaa ku badan hormoonada dumarka...                                                                                                                     
                                         
                                    wad ku mahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Jirka oo jiljilcan, cayilna aan ahayn ma cudur baa?
Post by: SomaliDoc on April 25, 2015, 01:42:47 PM
Jirka oo jiljilcan bal noo waadixi, maxaad u gala jeeddaa? astaamo oo qofkaa lagu arkayo ama uu dareemayo miyaa jira?
Title: Re: Su'aal: Jirka oo jiljilcan, cayilna aan ahayn ma cudur baa?
Post by: Abwaanada88 on April 28, 2015, 02:36:40 PM
 waxa  ka mid  qofka markad tabato oo kale tusaale ahan mesha gacanta muruqa ah  iyo  cajirada  ama caloosha  markas aya daremeysaa  jil  jileeca   mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Jirka oo jiljilcan, cayilna aan ahayn ma cudur baa?
Post by: SomaliDoc on May 02, 2015, 12:07:12 PM
Qasab ma ahan in hormoonada dumarka ay ku badan yihiin hadduu qofka ragga ah jiljilcan yahay.
Abuurista way kala duwan tahay, xitaa waxaa jira dadka qaar iyagoo jimicsada haddane in ay murqahooda aysan adkaan.
Arrintaas waxba ha iska welwelin.
Mana ahan wax cayilka ku xiran, dad baa aaminsan in cunnada iyo nolosha qofka uu ku soo koray ka qeyb qaadan karto jiljilicsanaantiisa, way dhici kartaa in ay wax ka jiraan, laakiin dadka oo dhan ma ahan.