Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on May 17, 2018, 04:46:58 PM

Title: Su'aal: Waxaan si joogo ah u isticmaalaa Qaboojiyaha?
Post by: Ahmed_Carab on May 17, 2018, 04:46:58 PM
Awalan Asc Ramadaan Mubaarak .. waan idin salaamay dhamaan akhyaarta iyo hawl wadeenada Page-ka.

Salaan ka bacdi, waxaan rabaa in aad iiga jawaabtaan su'aashsan:-

Magaceyga waa Axmed .. Waxaan joogaa wadan cimiladiisa ay aad u kulushahay oo habeen iyo maalinba kuleylka waa isku mid, mararka qaarka heer kulka wuxuu gaaraa 50C°- 40C° ... marka si joogta ah waxaan u isticmaalaa Qaboojiyaha (Air Conditioner) oo 24 saac hal mar xitaa madamiyo .. marka caafimaadka wax ma u dhimi karaa qaboojiyaha? mase leeyahay wax Side Effect ah? haduuse leeyahay sideen ku ogaan karaa? maxaase igula talineysaan?

Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan si joogo ah u isticmaalaa Qaboojiyaha?
Post by: SomaliDoc on December 26, 2018, 09:40:06 PM
Maya, qaboojiyaha ma saameeyo heerkulka gudaha jirka, korka kore ayuu qabawgiisa ku eg yahay inkastoo qabaw, dhaxan iyo kaadi badan dareemi kartid laakiin dhib lagama dhaxlo inkastoo cabbirka qabawga inaad qiyaastid ay fiican tahay weliba markaad jiifsanaysid.