Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: khadarkm5 on September 13, 2008, 02:41:10 PM

Title: Ekfishin qofku la caatoobay?
Post by: khadarkm5 on September 13, 2008, 02:41:10 PM
waxaan rabaa walaalahay in ay iga jahil baxshaan ekfishinka gabar aan qabo ayaa laga soo sheegay ekfishin marka cunug ayay nuujisaa diktoorkii wuxuu yiri waa in laga gubaa markay 10 cirbadood qaadato iyo 7 simboosto marka waxaan is iri inta aadan gubin bal latasho dhakhaatiir kale gabadhuna aad ayay ucaatowday oo cuntaxumo iyo wax dhiiga oon soogalay ayaan ku arka marka sideen yeelaa walaala yaal
Title: Re: Ekfishin qofku la caatoobay?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2008, 12:17:10 PM
Gubista waxaa la adeegsadaa markii calaamado dhakhtarku garanayo ka muuqdaan afka-minka ama farraatiga sida dadka qaar u yaaqaanaan.

Go'aankane waxaa gaari kara kaliya dhakhtarkii arkay calaamadahaas, waxaana calamadahaas soo muuqan karaan haddii qofku infekshan ku raago ama in afka-minka looga baqo in kaankaro ku dhaco.

Sidaa awgeed waxaa talo ahaan kuugu sheegayaa in tillaabadaan ay fiicantahay in isbitaal lagu sameeyo maxaa yeelay waxaa ka dhalan karo dhiigbax.

SomaliDoc