Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulahi.jama on February 29, 2016, 10:03:38 AM

Title: Su'aal: Madax xanuunka iyo mataga?
Post by: Abdulahi.jama on February 29, 2016, 10:03:38 AM
Asc Dr: Waxa aan rabay in aan ogaado, mar marka qaybtod waxa aad ii xanuunay madaxa khaas ahaan markaan safar galo ama suuqa aado marka gabadhaydu inta badan way ismatajisaa markasta uu madaxu aad u xanuuno kadibna way ku nafistaa oo xalad caadi ah bay ku noqotaa.

ka waran Dr qofka ismatajiyana sameynta cafimaad ee ku yeelan karo gabadhaas markasta is matajinaysa ay madax xanuun  dareento


Mahadsand
Title: Re: Su'aal: Madax xanuunka iyo mataga?
Post by: SomaliDoc on March 09, 2016, 12:57:58 PM
Ismatajiska joogtada ah wuxuu keenaa nafaqo darro iyo qofka oo mataga ku lumiyo macdana iyo dheecaanda jirka muhiimka u ah, wuxuu kaloo keeni karaa dillaac ku yimaado jidiinka ama hunguri mareenka, dillaacaas oo qofka noloshiisa halis galin karo.

Akhriso qoraal ku saabsan madax xanuunada joogtada ah iyo noocyadooda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)