Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cali Asaaro on May 18, 2015, 08:12:21 AM

Title: Su'aal: malabka warshadeysan VS malab dabiici ah?
Post by: Cali Asaaro on May 18, 2015, 08:12:21 AM
Asc dhaqaatiirta, salaan ka dib waxaan idiin waydiinayaa malabka lagu iibiyo dukaamada reer galbeedka ee la warshadeeyay waxtarkiisa miyuu la mid yahay malabka saafiga eh ee aan la warshadayn, mideeda kale waxaan maqlay inay ku daraan sonkor iyo waxyaalo lagu ilaaliyo  marka maxuu keeni karaa oo dhibaato eh? Tnks
Title: Re: Su'aal: malabka warshadeysan VS malab dabiici ah?
Post by: SomaliDoc on May 20, 2015, 02:54:51 PM
Markasta wax dabiici ah iyo wax la soo warshadeeyay isku qiimo iyo waxtar ma ahan, markii wax la soo warshadeeyo waxaa lagu daraa waxyaabo ka dheeraad ah oo looga dan leeyahay si sheygaas u xifdisami lahaa ama isku baddali lahayn.

Waxay kaloo ku xirantahay howsha iyo shaqada la soo mariyaya malabkaas inta ay la egtahay, haddii aad heli karto malab dabiici ah raadso, haddii kale midka la soo warshadeeyay iska fiiri haddii waxyaabo badan oo dheeraad ah lagu soo daray.

Waxyaabaha lagu soo daray dhibkooda waxay ku xiran tahay nooca waxa ay yihiin iyo in qadarka looga daray iyo falgalka ay malabka la samayn karaan.