Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaamila on January 22, 2010, 04:45:52 PM
-
ASC
dhamaan waxaan salaama dhaqaatirta somaliyed iyo aqristayaasha melkastey joogaan.
waxaana uga mahadcelinaya dhaqatirita somaliyeed sida wanaagsan ee eynogu soogudbiyeen aqoontooda
Allaah ha idinku anfaco aqoontina adun iyo aqraba.
inataas kadib dhaqaatiirta su aal ayaan rabay inaan weydiiyo.
maalmaahan xanuun ayaan iska dareemay igu cusub oo anan hore u arkijirin,
madaxanuun joogtaa, jirkadhan oo idalan, kuleeyl iyo cuntada markaan cuno oo lalabo iyo wareer dareemo,
weli dhaqtar uma tegin wana xanuun igu cusub waxuu igu daran yahay cuntada markan cuno.
marka waxaan jeclaan lahay ineey si dhaqsiya igu sojawabaan dhaqaatirta.
mahadsanidiin dhamaan
Jzkl
-
Waxaad u baahantahay in aad u tagtid dhakhtar si laguu baaro.
Baaritaanka ugu muhiimsan waa in aad iska cabirtaa cadaadiska dhiigga.