Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Casoowe on March 15, 2010, 08:24:03 PM

Title: Su'aal: Gulukooma iyo Trakooma maxay ku kala duwanyihiin?
Post by: Casoowe on March 15, 2010, 08:24:03 PM
Walaal faahfaahin dhinacee ah ayaa u baahantahay?
Ama qaab su'aalo ah u soo gudbiso
SCW walaal waxaan codsanayaa in la iiga soo jawaabo su,aasha ah
xanuunka gulukooma (glaucoma) ma waxa weeyaan ka soomalidu utaqaano
taraakoomo ama bakooro ee caruurta indhaha caseeya
se kaasi muxuu yahay waad mahadsantiihiin ASCw
Title: Su'aal: Gulukooma iyo Trakooma maxay ku kala duwanyihiin?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2010, 09:35:55 PM
Xanuunka gulukoomada iyo trachomada way kala duwanyihiin.
Taraakomada waa infekshan ku dhaca indhaha oo keen indhabeel.
Waxaa cudurk keenta bakteriya loo yaqaanno Chlamydia trachomatis wuuna faafaa.


Glukoomadane, dheecaan ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. Cadaadiskaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve) waxana uu sababaa lumis arag.